Ilkay Gundogan Oo Fikradiisa Ka Dhiibtay Qaabka Kaliya Ee Ay Bayern Munich Ku Reebi Karto Liverpool Iyo Midka Kooxaha Ugu Cad Cad Kulamada UCL.

Xidiga xulka qaranka Germany iyo kooxda Manchester City ee Ilkay Gundogan ayaa fikradiisa ka dhiibtay kulamada Champions league ee ay iskaga hor iman doonaan kooxda ay Premier league ku xifiltamaan ee Liverpool iyo kooxda daliisa Germany ee Bayern Munich.

Ilkay Gundogan ayaa aqoon fiican u leh kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool oo uu midkastaba kaga hor yimid horyaalada Germany iyo England. Ilkay Gundogan ayaa Bayern Munich la soo tacaalayay toba sanadood oo uu ku soo qaatay kooxaha Jarmalka ee FC Nurnberg iyo Borussia Dortmund halka uu Liverpool kula xifiltamayo koobka premier league.

Ilkay Gundogan ayaa aaminsan in Liverpool ay tahay koox ugu cad cad ee soo dhaafi karta Bayern Munich wuxuuna shuruud ku xidhay suurtogalnimada ay Bayern Munich ugu soo bixi karto wareega siddeed dhamaadka Champions League.

SIDOO KALE AKHRISO:  Xiddiga Garoonka, Xiddigaha Fashilmay Iyo Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Arsenal Ka Badisay Burnley

Ilkay Gundogan ayaa sheegay in haddii ay Bayern Munich soo badbaado kulanka Anfield in ay awood u leeyihiin in ay guul ku gaadhi karaan Allianz Arena kooxda ay doonaan ha la ciyaaraane balse waxa uu walaac ka muujiyay Liverpool.

Ilkay Gundogan oo u waramayay wargayska dalkiisa Germany ee Bild ayaa isaga oo ka jawaabay midka Liverpool iyo Bayern Munich ugu cad cad waxa uu yidhi: “Anigu waxaan ogahay sida ay u adag tahay in Liverpool lala ciyaaraa. Sidaa daraadeed, daacad ahaantii waxaan Liverpool u arkaa in ay ka yara horayso Bayern”.

Ilkay Gundogan ayaa si daacad ah u qiimeeyay waxa ay Liverpool kooxaha ugu samayn karto kulamada Anfield wuxuuna yidhi: ” Waxaad dab ka shidi kartaa Anfield, 15ka daqiiqo ee ugu horeeya ayaa saddex gool lagaaga dhalin karaa”.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Jürgen Klopp Oo Xaqiijiyay Halista Dhaawicii Soo Gaadhay Goolhaye Adrian Iyo Naby Keita Oo Xaaladu Ku Sii Xumaatay.

Ugu danbayn Ilkay Gundogan ayaa ka hadlay sida kaliya ee ay Bayern Munich ku reebi karto Liverpool ee ay ku soo bixi karaan wuxuuna yidhi: “Haddii ay Bayern ku soo badbaado Liverpool, waxay awoodi doonaan in ay koox kasta guriga ku garaaci karaan”.