“ii Keena Mourinho” – Cristiano Ronaldo Oo Dalbanaya Jose Mourinho & Labada Shaqsi Ee Ugu Caansan Kubadda Cagta Portugal Oo Markale Soo Wada Shidan Kara Juventus.

Dhawaan ayay ahayd markii kooxda Juventus ay si rasmi ah u shaacisay in tababaraha kooxdeeda ee Maxi Allegri uu ka baxayo kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana bilaabmay ka fikirka tababare cusub oo ay kooxdaasi yeelato.

Kaddib bixitaanka Allegri, Juventus ayaa la aaminsanaa inay doonayso magacaabista labada tababare ee kala ah Maurizio Sarri ama Mauricio Pochettino oo kala hoggaamiya Chelsea iyo Tottenham sida ay u kala horreeyaan.

Sida uu haatan sheegayo wargeyska La Gazzetta dello Sport, Cristiano Ronaldo oo ah hoggaanka xiddigaha Juve ayaan qabin aragtida magacaabista labadaas tababare isla markaana doonaya Jose Mourinho oo ay hore iskugu soo arkeen Real Madrid.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ronaldo uu maamulka sarre ee kooxdiisa si gaar ah uga dalbaday inay dalab u gudbiyaan Jose si ay u ogaadaan haddii uu aqbalayo.

Iyadoo Mourinho uu shaqo la’aan yahay tan iyo markii laga caydhiyay Man United ayay shaqada Juventus ku noqon kartaa mid uu kusoo baxo maadaama ay Juve haatan qabsatay gudaha dalka Talyaaniga.

Labadan shaqsi ayaa isku soo dhacay wakhtigii ay wada joogeen Real, Mourinho ayaa sheegay in Ronaldo uu is-moodayo mid waxkasta qabsan kara oo uusan tababaruhu horumarin karin.

Ronaldo oo dhinaciisa usoo jawaabay Special One ayaa sheegay inuu isagu yahay ciyaartoy jecel inuu hadalkiisa ku dhex yidhaahdo garoonka iyo kulamada dhexdooda.

Sidoo kale in Mourinho uu gaadho Juventus ayaa ka caawin karta inuu Champions League ku guuleysto markiisii saddexaad sidoo kalena uu abaarta tartankaas ka saaro kooxdan ka dhisan gobolka Turin.