Idinma Doonayo!! – Nicolas Pepe Oo Iska Diiday Kooxihii Tartanka Ugu Jiray Ee Liverpool & Man United Xilli Kooxda Uu Ku Fikirayo Banaanka La Keenay.

Kooxaha Premier League ee Liverpool iyo Manchester United ayaa war aan wanaagsanayn ka helay xiddigii bar-tilmaameedka usoo ahaa xilli suuqan ee Nicolas Pepe kaas oo lagu sifeeyay mid koox kale u hanqal taagaya.

Man United iyo tababare Solskjaer ayay ka go’antahay inay safkooda weerarka kusoo daraan ciyaartoy hibo weerar leh kaddib markii ay ka hadheen Champions League halka Reds ay doonayaan inay sii xoojiyaan weerarkooda holaca ah.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa la aaminsan yahay inuu dalab ka gudbiyay xilli horeba Nicolas Pepe balse xiddiga ayaan wax xiiso ah u qabin inuu usoo dhaqaaqo Premier League.

Sida laga soo xiganayo wargeyska The Sun, Pepe oo 70 Milyan lagu qiimeeyo ayaa go’aansaday inuu ku biiro kooxda Bayern Munich ee si uu halkaas uga buuxiyo boosaska ay baneeyeen Franck Ribery iyo Arjen Robben.

SIDOO KALE AKHRISO:  XOG: Kadib Kulamadii Labaad Ee Premier league-Waa Sidee Miiska Kala Saraynta Kooxuhu? Iyo Kooxaha Fursadoodii Lumiyay.

Pepe ayaa xilli ciyaareedkan 22 gool oo horyaalka ah usoo dhaliyay Lile waxaana uu kooxdaas usoo saaray Champions League balse waxa uu u muuqdaa mid aan tartankaas iyaga ku meteli doonin xilli ciyaareedka dambe.

Go’aankan uu qaatay xiddigan ree Ivory Coast ayaa dhibaato weyn ku ah labadan kooxood si gaar ahaaneedna Manchester United oo qabta baahi ka badan mida ay Liverpool suuqa ugu jirto.

Klopp ayaan la filayn inuu maal gelin balaadhan ka sameeyo suuqa xagaagan maadaama oo uu koox xoogan xilli horeba ku haysto Anfield.

Shaqada ugu badan ayaa u taala Red Devils iyo Solskjaer oo ka shaqaynaya sidii ay tartan dhab ah u geli lahaayeen xilli ciyaareedka dambe.