Ibrahimović Oo U Dabaal Dagay Guusha Weyn Uu Gaadhay Sweden. & Jamaahiirta Oo Durba Bilaaway Olale Ay Ku Doonayaan In Zlatan Uu Dib Markale U Xidho Maaliyada Xulkiisa.

Laacibka ree Sweden iyo kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimović ayaa wuxuu dareen farxadeed ee aad u xoogan uu kaga bixiyay baraha bulshada, kadib markii uu xulkiisa qaranka Sweden uu xaqiijiyay inuu u soo gudbay koobka aduunka sanada 2018 ka dhici doono dalka Russia, maadaama ay kasoo talaabeen dhigooda Italy.

Weeraryahanka kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimović ayaa wuxuu kusoo daabacay baraha bulshada sawirka ciyaartoyda xulka qaranka Sweden ee ku dabaal dagayay garoonka San Siro, maadaama ay u soo gudbeen koobka aduunka wuxuuna soo raaciyay qoraal ah: “Waxaynu nahay Sweden”.

Wargeyska ree France ee “L’Équipe” ayaa wuxuu sheegay in fariinta uu diray Zlatan Ibrahimović ay ka dhigeyso in laacibka kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimović uu markale dib u xidho maaliyada xulka qaranka Sweden, si uu qeyb kaga noqdo xidigaha ka qeyb galaya koobka aduunka sanada 2018 ka dhici doono dalka Russia.

Taageerayaasha ree Sweden ayaa durbaba bilaaway olole ay ugu qalqaalinayaan Ibrahimovic inuu ka laabto go’aankii uu uga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib markii uu ka qeyb qaatay tartankii Euro 2016.

Dhinaca kale wakiilka Zlatan Ibrahimović Mino Raiola ayaa wuxuu horey u sheegay: “hadii uu go’aanka ahaan lahaa mid anigu kaliya igu xidhan, waxaan dib ugu soo celin lahaa Zlatan Ibrahimović, ciyaarayaha caalamiga ah, waliba shaki la’aan”.

Comments

comments