Hubaashii, Waxaan Rajaynayaa Inaan Isaga Lasii Shaqayn Karno – Anthony Martial Oo Bilaabay Ololaha Ay Ciyaartoyda Man United Shaqada Ugu Doonayaan Tababare Solskjaer.

Xiddiga kooxda Manchester United iyo xulka qaranka France ee Anthony Martial ayaa u muuqda mid haatanba bilaabay ololaha ay ciyaartoyda kooxda Manchester United sida rasmiga ah shaqada tababarenimo ee kooxda ugu doonayaan tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Martial ayaa dhaliyay gool cajiib ah oo uu la dhex maray ciyaartoyda Fulham kulankii ay 3-0 ka kusoo adkaadeen waana natiijo u qaaday kaalinta afraad oo ay kusoo laabteen markii ugu horreysay tan iyo bishii August.

Tababare Solskjaer ayaa ilaa haatan 10 kulan kasoo guuleystay 11 kulan waxaana uu wali ku naaloonayaa kulamo guuldarro la’aan ah, Shaqadas uu ilaa haatan soo qabtay ayaana dhalisay in Martial uu 45 jirkan ku taageero inuu sii joogo kooxda.

Anthony ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Solskjaer uu kooxda la joogo haatan isaga oo dhinaca kale u rajeeyay inuu kooxda sii joogo oo ay rajaynayaan inuu lasii joogo.

Martial ayaa yidhi “Hagaag, Sida iska cad arrimuhu waxa ay xaqiiqdii u socdaan si fiican, Xaqiiqdii waanu ku faraxsanahay inaan isaga halkan ku haysano”

“Hubaashii, Waxaan rajaynayaa inaan lasii shaqayn karno isaga, Go’aanka ugu dambeeya anaga naguma xidhna laakiin hubaashii waanu ku faraxsanahay inuu halkan joogo wakhti xaadirkan”

Martial ayaa loogu garaabi karaa inuu sii jeclaysto la shaqaynta tababaraha ree Norway waxaana uu u muuqdaa mid dib u dhashay tan iyo imaatinkiisa isaga oo ku raaxaysanaya qaab ciyaareed fiican isla markaana dib u helay booskiisa.

Ugu dambayn, Tony ayaa la filayaa inuu kusoo bilawdo kulanka habeen dambe ee ay soo dhawayn doonaan Paris Saint-Germain ciyaar ka tirsan Champions League wareegiisa 16-ka kooxood.