HORDHACYO: Shaxa Noocee Ah Ayay Jose Mourinho, Maurizio Sarri Iyo Guardiola Kula Soo Shirtagi Doonaan Kulamada Premier League Ee Maanta Iyo Caawa?.

Manchester United ayaa soo dhawaynaysa kooxda London ka dhisan ee Crystal Palace wuxuuna Mourinho doonayaa in kooxdiisu ay tubta guusha ku soo laabtay kadib guuldaradii kulankii Manchester Derby ee ay kooxdiisa Red Devils guuldarada wayni ku soo gaadhay Etihad Stadium.

Manchester United ayaa kulanka Crystal Palace ciyaari doonta iyada oo 12 dhibcood ka hoosaysa kooxda ay hogaamina Premier League haysa ee Manchester City kadib markii 12 kulan oo kaliya la soo ciyaaray, waxayna Red Deivls ku qasban tahay in ay guul ka raadsato Crystal Palace.

Paul Pogba ayaa taam buuxda ah waxaana uu diyaar u yahay inuu ku soo laabto Manchester United kulanka Sabtida. Xiddiga ugu qaalisan United ayaa dhaawac muruqa ah ku seegay kulankii ay Man United guuldarada 3-1 ka soo gaartay kooxda Manchester City.

Wararka Man United vs Crystal Palace.

Laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa soo kabsaday waxaana uu diyaar u yahay inuu wajaho Crystal Palace kulanka Old Trafford si la mid ah Anthony Martial, Marcus Rashford iyo Marouane Fellaini.

United ayaa haatan kaalinta sideedaad kaga jirta miiska kala sareynta waxaana ay 12 dhibcood ka danbeeyaan hogaamiyayaasha City, waxaana ay u baahan yihiin inay dhibco dib u helaan si ay boos uga helaan afarta sarre, Jose Mourinho ayaana heysta koox dhameystiran oo uu shaxdiisa ka soo xusho.

“Paul waan ogeyn in waqtigii kulamada heerka caalami inuu uga soo kabsanayo dhaawaca yar ee muruqa” Sidaasi darteed ma jiraan ciyaartoy aan dhihi karo waa ay ka maqnaanayaan kulanka berri, waxaan heysanaa 23 ciyaartoy oo taam ah. ayuu yiri Mourinho.

Luke Shaw ayaa dhaawac kaga maqnaanaya Manchester United ka dib markii uu jaalihiisa shanaad qaatay kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Man City.

Waxaana ay taasi la micno tahay Diogo Dalot inuu tartan ugu jiro inuu ku soo laabto kooxda koowaad, inkastoo Valencia iyo Young la filayo inay labada garab ee daafac ka ciyaaraan

Jesse Lingard ayaa booska garabka midig kula tartami doona Juan Mata, halka Alexis Sanchez la filayo inuu kursiga keydka ku laabto madaama Lukaku uu soo kacay.

Shaxda Macquulka Ah Ee Man United Kala Hortagi Karto Crystal Palace:

Man United: De Gea; Dalot, Smalling, Lindelof, Young; Herrera, Matic, Pogba; Lingard, Rashford, Martial

Crystal Palace :Hennessey; Ward, Kelly, Tomkins, Van Aanholt; McArthur, Kouyate, Milivojevic, Schlupp; Townsend, Zaha

Waqtiga Ciyaarta Man United & C.Palace bilaamayso: 6:00 Galabnimo ee Saacada Geeska Afrika.

Bogga 2-aad riix si aad u akhriso xogta Kulamada Chelsea iyo Man City.