HORDHACYO: Juventus Vs Man United, Real Madrid vs Victoria Plzen, Man City Vs Shakhtar, Bayern Munich Vs AEK Athens, Shaxaha Macquulka, Dhaawacyada Iyo Xogta Kulamada Champions League.

Sideed kulan oo Champions League ah ayaa caawa laga ciyaari doonaa garoomada Yurub iyada oo xalay la sii ciyaaray sideed kulan isla markaana ay Barcelona noqotay kooxdii ugu horaysay ee wareega 16ka kooxood ee Champions League u soo baxday waxaana jira kooxo kale oo caawa soo bixi kara.

Kulamada Manchester United & Juventus, Manchester City & Shakhtar iyo Bayern Munich & AEK Athens ayaa ah kulamada dareenka jamaahiirta kubbada cagta soo jiidinaya inkasta oo ay jiraan kulamo kale oo ay tahay in isha lagu hayn doono.

Haddaba sidii aad nooga barateen waxaanu halkan idiinku soo koobaynaa xogta kulamada UEFA Champions League ee caawa la ciyaari doono iyada oo kulamada ugu muhiimsan aanu halkan idiinku soo gudbin doono.

KULANKA BAYERN MUNICH VS AEK ATHENS:

Kooxda Ajax ayaa si toos ah ugu soo bixi doonta wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League haddii guul ka gaadho kooxda Benfica oo saddex dhibcood oo kaliya haysata halka Ajax ay haddaba 7 dhibcood haysato.

Bayern Munich ayaa iyaduna si toos ah ugu soo bixi doonta wareega 16ka kooxood ee Champions League haddii ay guul ka gaadho AEK Athens oo haddaba quusatay laakiin si ay Bayern u soo abxdo waa in Benfica ay guuldaro kala kulanto Ajax si ay Bayern iyo Ajax groupkan uga soo wada baxaan.

Kooxda Benfica ayaan wareega 16ka kooxood ee Champions League u soo bixi karin haddii ay guuldaro kala kulanto Ajax isla markana ay Bayern Munich guulaysato.

Shaxda Bayern München v AEK Athens

Bayern Munich: Neuer; Kimmich, Süle, Boateng, Alaba; Javi Martínez, Müller, Sanches; Gnabry, Lewandowski, Ribéry
Waxaa Maqan: Coman, Thiago, Tolisso, Robben

AEK Athens: Barkas; Bakakis, Chygrynskiy, Lampropoulos, Hult; Simões, Galanopoulos; Galo, Mantalos, Boye; Klonaridis
Waxaa Maqan: Bakasetas, Hélder Lopes , Livaja , Oikonomou

Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

KULANKA MAN CITY VS SHAKHTAR:

Group F waxaa hamiga ugu sareeya ka leh kooxaha Manchester City iyo Lyon oo kala haysta 6 dhibcood iyo 5 dhibcood sida ay u kala horeeyaan iyada oo Shakhtar iyo HOffenheim ay min 2 dhibcood oo kaliya ka soo heleen saddexdii kulan ee la soo ciyaaray.

Manchester City ayaa si toos ah ugu soo bixi doonta wareega 16ka kooxood haddii ay guul ka gaadho Shakhtar isla markaana ay Hoffenheim guuldaro kala kulanto Lyon.

Hoffenheim ayaan wareega 16ka kooxood ee Champions league u soo bixi karin haddii ay guuldaraysato isla markaana ay Man City guul ka gaadhoo Skhatar.

Haddii ay Man City ka guulaysan kari waydo Shakhtar waxaa laysla tagi doonaa kulamada shanaad ee heerka Groupyada si xaalada loo kala go’aamin karo.

Shaxda Macquulka Ah Manchester City v Shakhtar Donetsk

Manchester City: Ederson; Walker, Stones, Laporte, Mendy; Fernandinho, David Silva, Bernardo Silva; Mahrez, Agüero, Sterling
Waxaa Maqan: Bravo, De Bruyne, Mangala

Shakhtar Donetsk: Pyatov; Butko, Kryvtsov, Rakitskiy, Ismaily; Maycon, Stepanenko; Wellington Nem, Alan Patrick, Taison; Júnior Moraes
Waxaa Maqan: Fernando , Ordets

Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Bogga 2-aad iyo 3-aad Kaga Bogo Xogta Kulamada Man United & Juventus, Real Madrid & Plzen iyo kulamada kale ee groupyadan.