HORDHACYO: Inter Milan Vs Barcelona, Red Star Vs Liverpool, Napoli Vs PSG, Shaxaha Macquulka Ah, Dhaawacyada Iyo Xogta Kulamada UEFA Champions League Ee Caawa La Ciyaarayo.

Siddeed kulan oo qayb ka ah wareega afraad ee heerka Guruubyada UEFA Champions League ayaa caawa laga ciyaari doonaa garoomada Yurub waxaana jira kulamo xiiso badan iyada oo kooxaha qaar ay awood u yeelan karaan in ay u soo baxaan wareega 16ka kooxood ee UCL.

Kooxaha qaar ayaa qaadaya talabaadii ugu danbaysay ee ay ku badbaadsan karaan in ay tartankan baaqi ku sii ahaadaan halka kooxo kale ay talaabo ugu sii qaadi karaan in ay wareega xidiga u soo baxaan waana sababta ay kulamadu hadda u yihiin kuwo ka xamaasad badan sidii hore.

Kulanka ugu xiisaha badan ayaa San Siro ku dhex mari doona kooxaha Inter Milan iyo Barcelona oo laba todobaad ka hor Camp Nou isku soo fara saaray kaas oo ay Barcelona guul ku gaadhay balse waxaa sidoo kale kulan xiiso badan yeelan doona kooxaha Napoli iyo PSG iyo Liverpool iyo Red Star oo isku group ah.

Haddaba sidii aad nooga barateen waxaanu halkan idiinku soo koobnay xogta, shaxaha iyo dhaawacyada kooxaha kulamada ugu muhiimsan caawa ka ciyaari doona tartanka UCL halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

KULAMADA GROUP A

Shaxda Macquulka Ah Monaco v Club Brugge 

Monaco: Benaglio; Touré, Glik, Jemerson, Henrichs; Golovin, Aït-Benasser, Diop, Tielemans, Chadli; Falcao
Waxaa Ka Maqan: Aholou , Jovetic, Lopes , Pellegri , Sidibé, Subasic

Club Brugge: Horvath; Denswil, Mechele, Poulain; Mata, Nakamba, Vanaken, Vormer, Vlietinck; Wesley, Schrijvers
Waxaa Ka Maqan: Groeneveld , Vossen

Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 8:55 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Shaxda Macquulka Ah Atlético Madrid v Borussia Dortmund

Atlético Madrid : Oblak; Juanfran, Lucas, Giménez, Filipe Luís; Lemar, Rodrigo, Ñíguez, Correa; Griezmann, Gelson
Waxaa Ka Maqan: Costa, Koke, Lemar , Savić , Godín

Dortmund Dormund: Bürki; Piszczek, Akanji, Zagadou, Guerreiro; Witsel, Delaney; Pulišić, Reus, Sancho; Paco Alcácer
Waxaa Ka Maqan:Diallo , Rode , Schmelzer
Waxa uu shki ku jiraa: Götze

Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

KULAMADA GROUP B

Kulamada Group B waxay isku yeelan karaan saamayn aad u wayn iyada oo Barcelona iyo Inter Milan ay haystaan fursad ay wareega 16ka kooxood ugu soo wada bixi karaan waxayna ku xidhan tahay natiijada kulanka PSV iyo Tottenham.

Barcelona ayaa xataa kaalinta kowaad ee Group B ku xaqiijisan karta guul ay Inter Milan ka gaadho laakiin kooxaha Tottenham iyo PSV ayaa ku qasban in ay guulo gaadhaan si ay rajadooda u sii wadan karaan iyada oo midii guuldaraysata ama haddii ay barbaro galaan ay Inter Milan iyo Barcelona si toos ah u soo bixi karaan.

Shaxda Macquulka Ah Tottenham Hotspur v PSV Eindhoven

Tottenham: Vorm; Aurier, Sánchez, Alderweireld, Davies; Dembélé, Winks; Son, Eriksen, Alli; Kane
Waxaa Ka Maqan: Dembélé , Dier , Lloris (Ganaax), Rose, Vertonghen (hamstring), Wanyama (knee)

PSV: Zoet: Angeliño, Viergever, Schwaab, Dumfries; Hendrix, Pereiro, Rosario; Bergwijn, De Jong, Lozano
Waxaa Ka Maqan: Thomas

Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Shaxda Macquulka Ah Inter Milan v Barcelona

Inter Milan: Handanovič; Vrsaljko, Skriniar, De Vrij, Asamoah; Brozović, Vecino; Politano, Nainggolan, Perišić; Icardi

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Piqué, Lenglet, Alba; Vidal, Rakitić, Busquets, Arthur; Messi/Coutinho, Suárez
Waxaa Ka Maqan: Samper , Umtiti , Vermaelen
Waxa Uu Shaki Ku jiraa: Lionel Messi

Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Bogga Labaad Ka Akhriso kulamada Group C ee Red Ster Liverpool, Napoli vs PSG.