Hordhaca Group D: Olympiacos v Barcelona & Sporting Lisbon Vs Juventus- Balaugrana Iyo Old Lady Oo Wareega 16-ka Kooxood Caawa U Soo Bixi Kara.

Barcelona ayaa marti u ah kooxda ree Giriig ee Olympiakos ee kulanka afraad ee heerka groupyada Champions Leaque wuxuuna kulankani khaas u yahay Ernest Valverde oo dib ugu laabanaya magaalada Athens halkaas oo uu ku soo maamulay kooxda Olympiakos. Kadib markii uu kulankii ugu danbeeyay ee La Liga uu dib ugu laabtay kooxdii uu shaqo ahaan uga soo wareegay Barcelona ee Athletic Bilbao isla waqti kooban kadib ayuu Valverde markale dib ugu laabanayaa koox kale oo qalbigiisa ku wayn.

Hogaamiyaasha Group D ee Barcelona ayaa si toos ah caawa ugu soo bixi karta wareega 16 ka kooxood ee UEFA Champions Leaque iyada oo sidoo kale doonaysa in ay kaalinta kowaad kaga dhamaysato groupkan. Laakiin kooxda martida loo yahay ee Olympiakos ayaan wali hal dhibic ka soo helin saddexdii kulan ee ay soo ciyaartay taas oo xaalada aad ugu dakaynaysa.

Kooxda Valverde ee Barcelona wayaa u soo bixi karta wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque haddii ay guul ka soo gaadho Olympiakos  isla markaana ayna Juventus guuldaro kala kulmin Sporting Lisbon oo ay hore guul uga soo gaadhay kulamadii afraad.

Sidoo kale Group D waxaa ka soo bixi karta Juventus ayaa  haddii ay guul ka gaadho Sporting isla markaana ayna Barcelona guuldaro kala kulmin kooxda ay martida caawa u tahay ee Olympiakos, wuxuuna Group D noqon karaa mid xili horeba lagu kala baxo.

Laakiin kooxda ree Portugal ee Sporting Lisbon ayaan soo bixi karin haddii ay guuldaraysato isla markaana ay Barcelona guudaro ka dheeraato, sidaa daraadeed, Barcelona iyo Juventus ayaa wareega xiga u soo bixi kara usbuucan.

XOGTA KULANKA OLYMPIAKOS VS BARCELONA:

Tartanka: Kulanka Afraad Ee UCL

Groupka: Group D

Kulanka: Olympiakos Vs Barcelona 

Garoonka: Karaiskakis Stadium

Waqtiga: 10: 45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Kooxda martida loo yahay ee Olypiakos waxaa ganaax kaga maqnaan doona Lamprou halka Seba uu dhaawac kaga maqnaan doono laakiin waxa uu sidoo kale shaki ku jiraa Ben. Elabdellaoui iyo Romao ayaa haddii ay hal kaadh oo digiin ah qaataa kulamada shanaad seegi doona.

Dhinaca kooxda martida ah ee Barcelona waxaa ganaax kaga maqnaan doona Gerard Pique waxaana dhaawacyo ku sii maqnaan doona Rafinha, Ousmane Dembele, Arda Turan, Andres Iniesta iyo Aleix Vidal, waxa kale oo uu shaki ku jiraa taam ahaansha Javier Mascherano oo xumad ku seegay kulankii Bilbao. Semedo ayaa haddii uu kaadhka digniin ah qaato waxa uu seegi doonaa kulamada shanaad ee Champions Leaque.

SHAXAHA MACQUULKA AH EE OLYMPIAKOS VS BARCELONA: 

Olympiacos: Proto; Figueiras, Botía, Engels, Koutris; Romao, Gillet, Zdjelar; Carcela-González, Fortounis, Emenike

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Mascherano, Umtiti, Alba; Paulinho, Busquets, Rakitic; DeulofeuLuis Suárez, Messi 

Dhinaca kale kooxda Juventus ayaa booqanaysa magaalada Lisbon ee dalka Portugal halkaas oo ay kula soo ciyaari doonto kooxda Sporting Lisbon. Juventus ayaa kulankii Turin ka soo dhacay guul soo laabasho ah ka gaadhay Sporting waana kulan sabab u noqon kara in xili horeba lagu kala baxo Group D.

XOGTA KULANKA SPORTING VS JUVENTUS:

Tartanka: Kulanka Afraad Ee UCL

Groupka: Group D

Kulanka: Sporting Lisbon Vs Juventus

Garoonka: Estádio José Alvalade

Waqtiga: 10: 45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha: Clément Turpin (France)

Kooxda martida loo yahay ee Sporting waxaa ganaax kaga maqnaan doona Cabral halka dhaawacyo ay kulankan ku seegayaan Mathieu iyo Piccini waxa kale oo uu shaki ku jiraa taam ahaansha William Carvalho. Haddii ay wax kaadhadh digniin ah qaataan Coates iyo Fernandes waxay seegi doonaan kulamada shanaad ee UCL.

Dhinaca Juventus waxaa kulankan dhaawacyo ku seegaya Medhi Benatia iyo Benedikt Höwedes mana jiro wax walwal kale ah oo uu Maxi Allegri qabo ka hor kulankan.

SHXAHA MACQUULKA AH EE SPORTING LISBON VS JUVENTUS:

Sporting: Patrício; Ristovski, Coates, André Pinto, Coentrão; Gelson, Battaglia, Bruno Fernandes, Acuña; Alan Ruíz, Dost
Juventus: Buffon; De Sciglio, Rugani, Chiellini, Alex Sandro; Pjanić, Khedira; Douglas Costa, Dybala, Mandžukić; Higuaín

Comments

comments