HORDHAC: Tottenham Vs Liverpool-Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Finalka UEFA Champions League Ee Reds & Spurs Ee Caasimada Madrid Ka Dhacaya Caawa.

Kooxaha Liverpool iyo Tottenham ayaa ugu danbayn soo gaadhay waqtigii inta ugu badan la sugayay ee finalka UEFA Champions League ee Estadio Wanda Metropolitano halkaas oo ay ugu dagaalami doonaan koobka heerka kooxaha ugu muhiimsan.

Tottenham ayaa markii taariikhda kooxdeeda ugu horaysay waxay ka soo muuqan doontaa finalka Champions League ee Estadio Wanda Metropolitano iyada oo aan abid hore u soo gaadhin heerkan oo kale laakiin Liverpool waxay u dagaalamaysaa in ay markii lixaad koobkan ku guulaysato.

Liverpool ayaa kadib markii ay muddo dheer ka maqnayd Champions League waxa uu Jurgen Klopp awooday in uu xili ciyaareedkii la soo dhaafay markii ugu horaysay soo gaadhsiiyay finalka Champions league tan iyo 2007 kii laakiin waxa uu Klopp awooday in uu xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah uu Reds soo gaadhsiiyay finalka Champions League.

Liverpool waxay finalka Champions league u soo martay dariiq ka dhibaato badan halka ay Tottenham u soo martay waxaana wali xusuusta Liverpool ka buuxda murugadii sanadkii hore ee finalkii Champions League kaas oo ay doonayaan in ay dib u saxaan wixii ka qaldamay.

Xili ciyaraeedkii 1972/73 kii kooxaha Liverpool iyo Tottenham ayaa iskaga hor yimid afar dhamaadkii UEFA Cup waxayna Liverpool ku soo gudubtay sharciga goolasha martida ah kadib markii ay wadarta labada Kulan noqotay barbaro 2-2 ah.

Waa Sidee Rekoodhka Kulamada Fool-ka-Foolka Ah Ee Liverpool vs Tottenham?

Liverpool iyo Tottenham waxay soo wada ciyaareen 170 kulan oo tartamada oo dhan ah, waxaana guud ahaan gacanta sare soo lahayd Liverpool oo 79 jeer guuldaro baday Spurs halka Tottenham ay 48 jeer ka guulaysatay Liverpool.

Liverpool iyo Tottenham 43 jeer barbaro galay laakiin Reds ayaa hal guuldaro oo kaliya Tottenham kala soo kulmay 14 kii ulan ee ugu danbeeyay waxayna soo guulaysteen 9 jeer oo ka mid ah waana taariikh ka soo bilaabantay sanadkii 2013 kii.

Xili ciyaareedkan Liverpool iyo Tottenham waxay wada ciyaareen labadii Kulan ee premier League waxayna labada jeerba Liverpool guul ku gaadhay 2-1 iyada oo kulankii guu danbeeyay ee March 31 uu difaaca Spurs ee Toby Alderweireld uu goolkii guusha ee Liverpool iska dhaliyay dhamaadkii ciyaarta.

XOGTA KULANKA

Kulanka: Finalka Champions League

Kooxaha: Tottenham vs Liverpool

Garoonka: Wanda Metropolitano

Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika (Sabti)

Garsoore: Damir Skomina (Slovenia)

Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Finalka Champions leauge:

Jurgen Klopp ayaa go’aano madax xanuun ah ka gaadhi doona laba boos oo shaxda kooxdiisa ah waxayna kala yihiin haddii uu Divock Origi markale siin doono fursada uu shaxdiisa ugu soo bilaaban karo maadaama oo uu Roberto Firmino dhaawac ka soo laabanayo.

Klopp ayaa go’aansan doona in uu Origi weerarka kula soo bilaabo Mohamed Salah iyo Sadio Mane iyo in uu Robero Firmino si toos ah ugu soo celiyo shaxdiisa.

Go’aanka labaad ee uu Klopp sida adag u qaadan doono ayaa ah haddii uu shaxdiisa khadka dhexe ugu soo wada bilaabi doono Fabinho, Henderson iyo Wijnaldum iyo haddii uu James Milner mid ka mid ah ku badali doono.

Inta boos ee kale ee Liverpool waxay u cad yihiin qof kasta oo Liverpool kulamadeedii xili ciyaareedkan soo daawaday wax badan oo shaki ahina ma jiro waana labada go’aan ee aan soo sheegnay waxa uu Klopp kala dooran doonaa.

Laakiin Tottenham waxaa uu Pochettino la kulmi doonaa go’aano badan oo adag isaga oo kala xulan doona ciyaartoyda kooxdiisa maadaama oo ay uu u baahan yahay tatiko ka duwan kulamadii xili cyaareedka.

Pochetteno waxaa horyaal go’aanka uu ku qaadan doono haddii uu Harry Kane oo aan waqti badan ciyaarin uu shaxdiisa ku soo bilaabi doono iyo haddii uu Lucas Moure oo wacdaro soo dhigay shaxdiisa ku sii hayn doono maadama oo uu Son isna diyaar u yahay in uu weerarka ka ciyaaro.

Laakiin Dele Alli laftiisa ayaa xaalada ku adkaynaya Pochettino halka uu sidoo kale go’aan ka gaadhi doono in uu difaaca dhexe ee kooxdiisa ku soo bilaabo Vertonghen oo dhaawac ka soo laabtay.

Xaqiiqooyin aad u baahan tahay in aad Ogaato:

  • Liverpool ayaa keli ku noqoneysa kaalinta seddexaad ee kooxda ugu koobabka badan Champions League haddii ay garaacaan Spurs iyagoo koobka qaadi doona markii lixaad.
  • Wadar ahaan kooxaha Tottenham iyo Liverpool waxa ay kulmeen 170 jeer tartamada oo dhan, Liverpool waxa ay badisay 79 jeer, Spurs waxa ay badisay 48 jeer halka 43 kulan ay barbaro galeen.
  • Spurs waa kooxdii 40aad ee gaarta finalka Champions League, waana koox ku cusub finalka tan iyo markii ay Chelsea gaartay sannadii 2008. Waxa ay noqon karaan kooxdii 23aad ee ku guuleysata koobkaan.
  • Isagoo shabaqa soo taabtay kulankii Liverpool ay guuldarada ka soo gaartay Real Madrid ee Kyiv sannadkii hore, Sadio Mane ayaa noqon kara xiddigii sideedaad ee shabaqa soo taabtay in ka badan hal final Champions League.
  • Haddii ay Tottenham ku guulaysato Champions League waxay noqon doontaa kooxdii 23 aad ee koobka kooxaha Yurub ee UCL ku guulaysatay, waxayna sidoo kale noqon doontaa kooxdii ugu danbaysay ee cusub ee magaceeda koobkan lagu qoro wixii ka danbeeyay 212 kii oo ay Chelsea ahayd kooxdii cusbayd ee ugu danbaysay koobkan.
  • Liverpool ayaa markii 21 aad soo gaadhay finalka tartanka kooxaha Yurub, waana finalkii siddeedaad ee Champions League, waxayna saddex jeer Reds ku soo guulaystay UEFA Cup/UEFA Europa League (1973, 1976, 2001).

Finaladii Ay Liverpool Ka Soo Ciyaartay Tartanka Champions League.

Liverpool ayaa soo guulaysatay shan kulan final oo Champions League ah oo ka mid ah siddeedii jeer ee ay tartankan finalkiisa soo gaadheen sidan ayayna natiijooyinkii u dhaceen:

1976/77: Liverpool 3-1 Borussia Monchengladbach
1977/78: Liverpool 1-0 Club Brugge
1980/81: Liverpool 1-0 Real Madrid
1983/84: Liverpool 1-1 Roma (aet; Liverpool win 4-2 on penalties)
1984/85: Juventus 1-0 Liverpool
2004/05: Liverpool 3-3 AC Milan (aet; Liverpool win 3-2 on penalties)
2006/07: AC Milan 2-1 Liverpool
2017/18: Real Madrid 3-1 Liverpool

Liverpool ayaa saddex jeer oo kala duwan waxay min laba jeer oo xidhiidh ah soo gaadhay ah soo gaadhay finalka taranka kooxaha Yurub waxaana taas sameeyay oo kaliya laba kooxood oo ay laba guuldarooyin oo xidhiidh ahi soo gaadheen.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Tottenham Vs Liverpool.

Tottenham Xi: Hugo Lloris; Trippier, Alderweireld, Vertonghen, Rose; Winks, Sissoko; Eriksen, Dele Alli, Heung-Min Son; Harry Kane

Liverpool XI: Alisson Becker; Alexander-Arnold, Joel Matip, Virgil Van Dijk, Andy Robertson; Fabinho, Jordan Henderson, Gini Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mané

XOG: Sadio Mané v Kieran Trippier, Heung-Min Son v Arnold, Van Dijk v Harry Kane Iyo Lixda Meelood Ee Ay Liverpool & Tottenham Ku Kala Guulaysan Karaan Finalka UCL.