HORDHAC: Shaxda Macquulka Ah Ee Kulanka Champions League Ee Man United vs PSG, Dhaawacyada Iyo Saamaynta Kulanka Old Trafford Ku Yeelan Karo Labada Kooxood.

Laba bilood oo la sugayay in uu dib garoomada Yurub uga bilawdo tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions league ayaa ugu danbayn soo dhamaaday waxaana jiri doona kulamo xiiso badan waxaana si gaar ah isha loogu hayaa kulanka Manchester United iyo PSG ku dhex mari doona Old Trafford.

Kooxda PSG ayaa xili horeba soo gaahay magaalada Manchester waxayna isku diyaarinaysaa kulanka adag ee ay habeen danbe la ciyaari doonto Manchester United iyada oo waliba PSG dhexda kaga jirta musiibooyin dhaawacyo kooxdeeda ragaadiyay.

Manchester United ayaa ah koox gabi ahaanba ka duwan sidii ay ahayd markii la sameeyay isku aadkii Champions League ee wareega 16ka markaas oo ay PSG ku faraxsanayd in ay ku aadeen Red Devils oo uu Jose Mourinho la dhac-dhacayay isla markaana uu waqtigiisii ugu danbeeyay qaadanayay.

Laakiin hadda Man United ayaa ah koox gabi ahaanba ka duwan sidii ay ahayd markii aragtay in isku aadkii Champions League lagu aadiyay PSG waxaana jira laba xaaladood oo kala duwan oo labadii bilood ee ugu danbeeyay labada kooxood ka soo dhacay.

PSG ayaa xaalado adag ku soo martay dhaawacyo xidigaha kooxdeeda ugu muhiimsan soo gaadhay halka Manchester United ay guuldaro la’aan ku raaxaysanayso tan iyo maalintii ugu horaysay ee uu Ole Gunnar la wareegay xilka tababaranimo ee United.

Wararka Labada Kooxood Ee Man United Vs PSG:

Manchester United waxa uu kulanka lugta kowaad ee wareega 16ka kooxood ee Champions League uu ugu soo aaday waqti ay xaaladii xili ciyaareedkan ugu fiicnayd ku jiraan ilsa markaana ayna jirin dhaawacyo muhiim ah oo kooxdooda ay ciyaartoy kaga maqan yihiin.

Laakiin kulanka PSG waxaa seegaya Darmain iyo Antonio Valencia waana laba ciyaartoy oo uu Ole Gunnar haysto badalkooda kaba fiican mana jiro wax ciyaartoy ah oo shaki uu ku jiro in ay Man United ka maqnaan karaan.

Dhinaca PSG xaaladu gabi ahaanba way ka duwan tahay waxaana si rasmi ah kulanka lugta kowaad ee Manchester United u seegaya Neymar Jr iyo Edinson Cavani taas oo weerarkii PSG ee saddex aflaha ahaa ka soo reebtay da’yarka Kylian Mbappe oo culays badani ku saarmi doono Old Trafford.

Waxa kale oo PSG ka maqnaan doona Muenier kaas oo isna kulankii ugu danbeeyay ay Cavani ku wada dhaawacmeen laakiin warka ugu fiican ee ay PSG heshay ayaa ah in Marco Verratti uu taam u yahay kulanka Man United isla markaana uu shaxda ku soo bilaaban doono.

Saamayn Noocee Ah Ayuu Kulanka Old Trafford Yeelan Karaa?

Manchester United waxay maanka ku haysaa in kulanka Old Trafford yahay fursada ugu wayn ee ay u haystaan in ay PSG dhibaato u gaysan karaan waxayna samayn doonaan wax walba oo awoodooda ah in ay shaqada inta ugu badan sii qabsan karaan iyaga oo waliba og in PSG ay xidigaha muhiimka ah dib u heli karto kulanka lugta labaad ee bisha March.

Laakiin PSG ayaa wali aaminsan in ay haystaan ciyaartoy tayo leh oo ay ku waxyeelayn karaan Manchester United, waxayna hadafka kowaad ka dhigteen in ay ugu yaraan goolal ku sii dhaliyaan Old Trafford si ay kulanka lugta labaad ee Paris ay ugu xisaabtami karaan.

Haddii ay Manchester United awoodo in ay guul ka gaadho PSG, waxay u noqon doontaa arin muhiim ah maadaama oo ay maalmo kooban kadib la ciyaari doonto Chelsea iyo Liverpool si ay kalsooni buuxda u sii hesho laakiin haddii ay PSG wax dhibco ah ka hesho United iyada oo waliba PSG xaaladan ku jirta, waxaa la filan karaa in PSG ay kulanka lugta labaad kalsooni badan heli doonto.

Shaxda Macquulka Ah Ee Man United Vs PSG:

Man United: XI De Gea; Young, Lindelöf, Jones, Shaw; Herrera, Matić, Pogba; Lingard, Rashford, Martial

PSG XI: Buffon; Kehrer, Thiago Silva, Kimpembe, Bernat; Dani Alves; Marquinhos, Verratti, Di María; Draxler, Mbappé
Out: Neymar (foot), Cavani (hip), Meunier (concussion)