HORDHAC: Man United vs Chelsea- Solskjaer Vs Lampard- Kulanka Furitaanka Premier League Ugu Wayn Oo Old Trafford Ka Qabsoomaya.

Indhaha kubbada cagta aduunka ayaa Old Trafford si buuxda ugu soo jeedsan doona iyada oo kooxaha Manchester United iyo Chelsea  uu yahay kulanka ugu xiisaha badan ee kulamada furitaanka xilli ciyaareedka cusub ee  horyaalka Premier League.

Frank Lampard oo kulankiisii ugu horeeyay ee rasmi ah tababare u noqon doona Chelsea ayaa sidoo kale markii ugu horeysay Chelsea ku hogaaminaya garoonka Old Trafford ee kulankan ka tirsan horyaalka Premier League.

Chelsea waxay bilaabanaysaa nolol uu Eden Hazard ka maqan yahay kaas oo horaantii xagaagan heshiis qaali ah ugu wareegay kooxda Real Madrid wuxuuna Lampard isku dayi doonaa in uu helo qaabkii uu Blues ugu muujin lahaa in la’aanta Hazard ay socon karaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  XOG: Halkuu Philippe Coutinho Ka Galay Tobanka Heshiis Amaah Ee Kubbada Cagta Ugu Qaalisan?

Ole Gunnar Solskjaer waxa uu soo iibsaday seddexda ciyaaryahan ee kala ah Harry Maguire, Aaron Wan-Bissaka iyo Daniel James laakiin taageerayaasha ayaa filayay inay saxiixyo kale ay imaanayaan kooxda ka hor inta uusan suuqa Ingariiska xirmin Khamiistii.

WARARKA MANCHESTER UNITED

Dhamaan seddex saxiix cusub ee Manchester United waxa ay diyaar u yihiin inay ciyaaraan kulanka Old Trafford iyadoo Harry Maguire iyo Aaron Wan-Bissaka ay yihiin ciyaartoyda ay badan tahay inay safan doonaan kulankooda ugu horeeya ee Premier League ee kooxda.

Mason Greenwood oo wacdarro dhigay kulamadii saaxiibtinimo ee xagaaga ayaa isna daqiiqo ka ciyaari doona gaar ahaan iyadoo uu Romelu Lukaku ku biiray Inter Milan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Saddexley Ayuu Ku Burburiyay Markii Ugu Danbasay Harry Maguire-Xidig Wolves Ka Tirsan Oo Hore Maguire Awoodiisa U Tusay Markale U Digay.

Dhaawacyada kaliya ee ay Manchester United qabto waa Eric Bailly iyo Tim Fosu-Mensah laakiin Alexis Sanchez uma badna inuu dheeli doona madaama uu taam ahaanshihiisa dhameystirneyn isagoo xilli dhow fasaxa xagaaga ka soo laabtay.

WARARKA CHELSEA EE KA HOR KULANKAN

Tababare Frank Lampard ayaa xilli danbe go’aansan doona haddii N’Golo Kante uu diyaar u yahay inuu wajaho Manchester United.

Waxaa weli su’aal ay dulsaaran tahay Willian iyo Antonio Rudiger haddii ay diyaar u noqonayaan kulanka Old Trafford.

Christian Pulisic ayaa safan kara kulankiisii ugu horeysay ee Premier League halka Mason Mount uu isna haddii la safo ay u noqon doonto markii ugu horeysay ee uu tartan rasmi ah u ciyaaro Blues.

SIDOO KALE AKHRISO:  SABABTAN Ayay PSG U Aqbali Kartaa In Neymar U Wareego Juventus!! -Juve Oo Noqotay Kooxda Fursada Ugu Badan U Haysata Saxeexa Neymar & Waxa Caawinaya.

XOGTA KULANKA:

Kulanka: Man United vs Chelsea

Waqtiga: Axad, 6:30pm Saacada Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford

Garsoore: Anthony Taylor

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man United (4-3-1-2): De Gea; Shaw, Lindelof, Maguire, Wan-Bissaka; McTominay, Pogba, Matic; Jesse Lingard; Anthony Martial, Marcus Rashford.

Chelsea (4-2-3-1): Arrizabalaga; Emerson, Christensen, Zouma, Azpilicueta; Jorginho, Kante; Pulisic, Mount, Pedro; Olivier Giroud