HORDHAC: Lyon Vs Barcelona-Shaxaha Macquulka Ah, Dhaawacyada Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Labada Kooxood.

Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda horyaalka France ee Lyon waxayna labada kooxood bilaabi doonaan dagaalka 180 ka daqiiqo ah ee ku dhex mari doona wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions league. Barcelona oo wali u dagaalamaysa saddexda koob ee ay tartankooda ku jirtay ayaa xili ciyaareedkan muhiimad wayn siinaysa tartanka Champions League.

Barcelona ayaa kulanka Lyon iskeenaysa iyada oo guul aan raaxo leh ka soo gaadhin Real Valladolid isla markaana uu Gerard Pique ciyaartoyda kooxdiisa digniin u sii diray kadib markii ay bandhig liita soo sameeyeen laakiin ooxda Lyon ayaa kulankii ugu danbeeyay guul 2-1 ah ka gaadhay Guingamp waxayna soo guuldaraysteen hal kulan oo kaliya todobadii kulan ee ugu danbeeyay.

Laakiin Lyon waxay ogyihiin in haddii ayna shaqo wayn sii qabsan kulanka garoonkooda in ay macasalaamayn doonaan tartanka Champions League halka kooxda Valverde ay dagaal ugu jirto in ay guul soo gaadho ama ay ugu yaraan goolal marti ah soo hesho.

Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Tababaraha kooxda Lyon ee Bruno Génésio waxaa haysta madax xanuun dhinaca doorashada ah kadib markii uu waayay adeegii kabtanka kooxdiisa ee Nabil Fekir kaas oo ganaax ku seegaya kulanka lugta hore ee Champions League.

Waxa kle oo Lyon dhaawac kaga maqnaan doona Gouiri. Dhinaca kale tababare Bruno ayaa hubin doona haddii ay taam noqon doonaan Denayer iyo Ndombele kuwaas oo shaki la galinayo taam ahaanshahooda kulanka Barcelona.

Dhinaca Barcelona waxaa kulankan iyo inta xili ciyaareedkan ka hadhsan seegaya Rafinha waxa kale oo dhaawacyo la maqan Arthur Melo, Cillessen iyo Thomas Vermaelen.

Laakiin waxaa Barcelona u soo laabtay Samuel Umtiti kaas oo dhawr bilood ku maqnaa dhaawac jilibka ah wuxuuna Valverde go’aan ka gaadhi doonaa haddii uu si toos ah shaxdiisa ugu soo celin doono iyo haddii uu wali kaydka ku sii hayn doono.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Lugta Kowaad Ee Champions League Wareegiisa 16ka

Kulanka: Lyon Vs Barcelona

Garoonka: Lyon Olympic Stadium

Waqtiga: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Shaxda Macquulka Ah Ee Lyon Vs Barcelona

Lyon XI: Lopes; Dubois, Marcelo, Denayer, Mendy; Tousart, Ndombele; Traoré, Depay, Aouar; Dembélé
Waxaa Ka Maqan: Nabil Fekir, Gouiri
Waxa Uu Shaki Ku Jiraa: Denayer, Ndombele

Barcelona XI: Ter Stegen; Semedo, Piqué, Lenglet, Alba; Rakitić, Busquets, Vidal; Dembélé, Messi, Suárez
Waxaa Ka Maqan: Rafinha , Cillessen , Arthur, Vermaelen