Hordhac: Chelsea Vs Man City, Antonio Conte Vs Pep Guardiola- Dhaawacyada, Ganaaxyada, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wax Walba Oo Aad Uga Baahanta Tahay Kulanka Stamford Bridge Ee Blues & City.

Chelsea ayaa Stamford Bridge ku soo dhawaynaysa kooxda duulaysa ee Manchester City waana kulan aduunka oo dhan si wayn looga sugayo maadaama oo ay Manchester City hogaaminayso horyaalka Premier Leaque isla markaana ay Chelsea tahay kooxda koobkan difaacanaysa. Pep Guardiola iyo Antonio Conte ayaa xamaasadooda kala soo muuqayn doona kursiga kaydka Stamford Bridge iyada oo labada kooxoodba uu kulankani muhiimad khaas ah u leeyahay.

Chelsea ayaa doonaysa inay u soo dhawaato dhibcaha ay hogaanka Premier leaque u jirto waxaana jira farqi saddex dhibcood ah oo ay Manchester City ka horayso Chelsea laakiin Conte ayaa doonaya in saddexda dhibcood uu ka sameeyo isla kulankan Manchester City.

Manchester City iyo Chelsea ayaa hore u soo wada ciyaaray 40 kulan oo Premier Leaque ah waxaana gacanta sarre soo lahayd Chelsea oo 24 kulan ka soo guulaysatay Sky Blues halka City ay 9 guulood ka soo gaadhay Blues waxaana jiray 7 kulan oo barbaro ku soo dhamaaday, waxaana lays waydiinayaa kulankani qaybta uu raaci doono.

Manchester City iyo Chelsea waxa uu kulankani u yahay tijaabo kale oo muhiim ah kadib markii ay soo ciyaareen min hal kulan oo kooxaha waa wayn ah, Chelsea ayaa hore garoonkeeda Stamford Bridge barbaro ugula gashay Arsenal laakiin Man City ayaa guul wayn Etihad Stadium kaga gaadhay Liverpool balse waxaa kooxda Guardiola loo sheegay in kulankaas loo sahlay markii Sadio Mane kaadhka cas oo toos ah la siiyay.

Balse waxaa hubaal ah in kulankani uu sidoo kale muhiim u yahay kooxaha kale ee waa wayn ee doonaya in ay Chelsea iyo Man City dhibco lumiyaan, waxayna natiijada ugu fiican oo barbaro ahi ay u muuqataa tan ay kooxaha waa wayni rajaynayaan balse Mourinho iyo kooxdiisa Red Devils ayaa hogaanka Premier Leaque qaban doona haddii ayna City guulaysan maadaama oo Crsytal Palace la ciyaarso taas oo xaalad musiibo ah ku jirta.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Kulanka 7 aad Ee Premier Leaque

Kulanka: Chelsea Vs Manchester City

Garoonka: Stamford Bridge

Waqtiga: 7:30 Fiidnimo Ee Saacada Geeska Afrika.

Garsooraha:Martin Atkinson

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:

Eden Hazard ayaa diyaar u ah in uu markii ugu horaysay xili ciyaareedkan uu shaxda Antonio Conte ku soo bilawdo kulan Premier Leaque ah kadib bandhigii cajiibka ahaa ee uu ka sameeyay kulankii Atletico Madrid ee Champions Leaque. Conte ayaa haysta fursada uu shaxdiisa dib ugu soo dari karo xidiga ree Belgium kadib markii uu siiyay waqti badan oo uu kaga soo kabsado dhaawicii uu bilawgii xili ciyaareedkan ku seegay.

David Luiz ayaa soo dhamaysan doona saddex kulan ee lagu ganaaxay kadib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii Arsenal wuxuuna Antonio Conte sheegay in Andreas Christensen uu si fiican u ciyaarayo taas oo la micno ah in uu shaxda Blues ku soo bilaaban doono.

Danny Drinkwater ayaa wali dhaawac ku sii maqnaan doona laakiin waa xidiga kaliya ee Blues dhaawac kaga maqan wuxuuna Antonio Conte haystaa koox xoogan oo uu ka soo xulan karo shaxdiisa ugu fiican. Gary Cahil ayaa difaaca ku soo bilaaban kara inkasta oo Antonio Rudiger isna uu diyaar u yahay in la soo xusho balse Bakayoko ayaa amaan badan ka helay Conte taas oo la micno ah in Fabregas uu kaydka ku jiri doono.

LIISKA CIYAARTOYDA CHELSEA EE KULANKA MAN CITY: Courtois, Caballero, Rudiger, Alonso, Fabregas, Kante, Morata, Hazard, Pedro, Bakayoko, Moses, Kenedy, Musonda, Zappacosta, Willian, Batshuayi, Cahill, Christensen, Azpilicueta, Clarke-Salter, Scott, Eduardo.

Dhinaca kooxda martida ah ee Manchester City waxa uu Guardiola madax xanuun ka qaaday dhaawicii shilka gaadhi ee Sergio Aguero ku soo gaadhay dalka Holland kaas oo cisbitaal loo dhigay dhaawac uu feedhaha uga jabay wuxuuna seegayaa kulanka muhiimka ah ee ay kooxdiisu martida u tahay Chelsea, laakiin Antonio Conte ayaa sheegay in maqnaanshaha Aguero aanu qorshihiisa u badali doonin.

Difaaca bidix ee Benjamin Mendy oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray ayaa magaalada Barcelona qaliin ku maraya isaga oo muddo dheer garoomada kaga maqnaan doona dhaawac dhaawac halis ahi soo gaadhay, taas oo la micno ah Danilo uu heli doono fursad uu Guardiola iskugu muujiyo.

Kabtanka Manchester City ee Vincent Kompany oo seegay lixdii kulan ee ugu danbeeyay ayaa wali ka sii maqnaan doona kooxda Guardiola taas oo la micno ah in Otamendi iyo John Stones ay doorashada difaaca dhexe u noqon doonaan Guardiola.

LIISKA CIYAARTOYDA MAN CITY EE KULANKA CHELSEA: Ederson, Bravo, Walker, Stones, Otamendi, Mangala, Danilo, Delph, Toure, Gundogan, Fernandinho, De Bruyne, Sterling, Sane, D Silva, B Silva, Foden, Diaz, Jesus.

XOG AAD U BAAHAN TAHAY IN AAD OGAATO KA HOR KULANKAN:

Chelsea ayaa hal kulan oo kaliya soo guuldaraysatay todobadii kulan ee ugu danbeeyay ee ay Manchester City ku soo dhawaysay Stamford Bridge waxayna Blues soo heshay 4 guulood iyo 2 barbaro ah, iyada oo guuldaradii ugu danbaysay ee Stamford Bridge kaga soo gaadhay Man City ay haayd April 2016 markaas oo ay City 3-0 ku dubatay Chelsea waana kulan ka mid ahaa lix kulan oo ay Chelsea guuldaro saddex gool ahi ku soo gaadhay Stamford Bridge.

Manchester City ayaa xili ciyaareedkii hore Chelsea guuldaro kagala kulantay kulamadii martida iyo minankeeda ay ku soo ciyaareen wuxuuna Antonio Conte noqday tababarihii ugu horeeyay ee Premier leaque ka shaqeeya ee rekoodhkan Gauardiola ka gaadhay.

Pep Guardiola ayaa waayihiisa tababaranimo hal mar oo kaliya ay kooxi ka soo gaadhay saddex guuldaro oo xidhiidh ahi laakiin haddii uu Antonio Conte iyo kooxdiisa Blues ay kulanka Stamford Bridge guulaystaan waxay noqon doontaa markii labaad iyada oo Real Madrid ay ahayd kooxda saddexda guuldaro ee xidhiidhka ahi ay Guardiola ka soo gaadhay intii u dhexaysay  April 2012 ilaa  April 2014 waxayna ahaayeen laba kulan oo Champions Leaque ah iyo hal kulan oo La Liga ah laakiin wali hal koox saddex guuldaro oo xidhiidh ah horyaal kalamuu kulmin.

Pep Guardiola ayaa rekoodh aad u liita ka haysata Chelsea waxa uu hore uga hor yimid todoba kulan laakiin waxa uu ku soo fashilmay in uu hal guul ah ka soo gaadho wuxuuna ka soo helay 4 barbaro ah iyo 3 guuldaro waxaana kulamadan barbaraha ah ka mid ahaa finalkii UEFA Super Cupka ee 2013 kii inkasta oo markii danbe kooxdii Guardiola ee Bayern Munich ay 5-4 rekoodhayaal ah Chelsea koobka kaga qaaday kadib markii ay ciyaartu ku dhamaatay barbaro 2-2 ahaa.

Sidoo kale Guardiola ayaa waayihiisa tababaranimo wajahay saddex kooxood oo kale oo aanu wax guul ah ka gaadhin waxayna saddexduba ka dhisan yihiin Britain waxayna kala yihiin Everton (3 kulan), Celtic (2 kulan) iyo Tottenham (2 kulan).

Manchester City ayaa lixdii kulan ee Premier leaque ugu horeeyay ka soo dhalisay 21 gool waxaana heerkan kaga gool dhalin sareeya kaliya Newcastle United (22 gool- 1994-95) iyo  Manchester United (22 gool- 2011-12).

Eden Hazard aya shan gool ku soo lug laha shantii kulan ee uu Manchester City kaga hor yimid horyaalka Premier Leaque waana 3 gool iyo 2 gool caawineed oo uu soo sameeyay.

Sergio Aguero oo kulankan dhaawac ku seegaya ayaa ah xidiga labaad ee goolasha ugu badan ee Premier leaque ku soo dhalyay Stamford Bridge isaga oo marti ku ah waxaana ka horeeya oo kaliya Robin van Persie oo lix gool ku dhaliyay halka Sergio Aguero ay min shan gool ku siman yihiin Graig Bellamy.

Alvaro Morata ayaa lixdiisii kulan ee Premier Leaque ugu horeeyay lix gool ka soo dhaliyay, saddex gool oo uu madaxa ku dhaliyay iyo saddex uu lugtiisa midig ku dhaliyay waxaana rekoodhka goolasha ugu badan ee uu ciyaartoy Chelsea ugu soo dhaliyay 7 kulan ee PL ugu horeeya haysta Mick Quinn  oo 10 gool ku dhaliyay 7 gool halka Diego Costa uu yahay xidiga labaad ee 9 gool ku dhaliyay 7 kulan.

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

Chelsea XI: Thibaut Courtois; Cesar Azpilicueta,  Gary Cahill, Andreas Christensen; Victor Moses, N’Golo Kante, Tiemoue Bakayoko, Macos Alonso; Eden Hazard, Pedro Rodriguez; Alvaro Morata

Man City XI: Ederson; Danilo, John Stones, Nicolas Otamendi; Fernandinho; Kyle Walker, Kevin De Bruyne, David Silva, Bernardo Silva , Fabian Delph; Gabriel Jesus

Haddaba akhriste, kooxdee ayaad filaysaa in ay guulaysan doonto kulanka Stamford Bridge? Miyuu Antonio Cone noqon doonaa macalinkii abid ugu horeeyay ee Guardiola saddex kulan oo horyaal ah isla markaana xidhiidh ah ka guulaysata? Miyuu Guardiola ka soo kabsan doonaa labadii guuldaro ee xili ciyaareedkii hore Conte ka soo gaadhay?