HORDHAC: Chelsea vs Liverpool, Lampard vs Klopp – Faah-Faahinta Kulanka UEFA SUPER CUP Ee Caawa & Shaxaha Macquulka Ah.

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa caawa kulan xiiso badan ku yeelan doona dalka Turkey-ga iyadoo halkaas lagu kala qaadayo tartanka UEFA Super Cup-ka.

Reds oo uu hoggaaminayo tababare Jurgen Klopp ayaa kusoo guuleystay UEFA Champions League bishii June halka dhammaadkii May ay Blues soo hanteen tartanka UEFA Europe League waxaana haatan horkacaya halyeey Frank Lampard.

Faah-Faahinta Kulanka

Tartanka: Uefa Super Cup

Garoonka: Vodafone Park, Istanbul

Taariikhda: Arbaco, 14ka Agoosto

Waqtiga: 10PM Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Gabadha reer France Stephanie Frappart

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Liverpool: Adrian; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Milner; Salah, Origi, Mane

SIDOO KALE AKHRISO:  Pep Guardiola Wuu Ka Tagi Doonaa Manchester City, Jurgen Klopp-na Waxa Uu Waayi Doonaa Mohamed Salah Markaas Ayay Man United ......

Chelsea Arrizabalaga; Azpilicueta, Christensen, Zouma, Emerson; Jorginho, Kovacic; Pedro, Mount, Pulisic; Giroud

Taariikhda Kulamadii Ay Hore Isku Soo Arkeen Liverpool & Chelsea

Kulanka Arbacada ee Uefa Super Cup waa kulankii 183aad ee labada kooxood waana koodii 11aad ee tartamada UEFA.

Liverpool ayaana gacanta sarre ka heysata Chelsea waxa ay badiyeen 78 kulan halka Chelsea badisay 63 kulan, laakiin Blues ayaa gacanta sarre kaga heysata tartamada Yurub iyagoo badiyay seddex kulan halka Liverpool ay badisay labo kulan, waxaana ay barbaro galeen shan kulan.

Guusha Liverpool: 78 Barbaro: 41 Guusha Chelsea: 63