Hordhac: Borussia Dortmund vs Schalke 04 – Horyaalka Jarmalka Oo Maanta Furmaya, Shaxaha Macquulka Ah Ee Kulamada Maanta & Wararkii Ugu Dambeeyey

Horyaalka kubadda cagta waddanka Jarmalka ee Bundesliga ayaa maanta dib u bilaabmaya, kaddib muddo laba bilood iyo dheeraad ah oo uu hakad ugu jiray fayraska Korona ee dunida kala xidh-xidhay.

Taageereyaasha kubadda cagta adduunka ee uu caajisku dilay muddadii ay xayiruhu xidhnaayeen, ayaa waxay galabta helayaan fursad ay ku daawadaan ciyaarihii oo usoo laabtay, waxaana si gaar ah isha loogu hayn doonaa kulanka weyn ee garoonka Signal Iduna Park ee kooxda Borussia Dortmund oo ay ku martigelinayso Schalke 04.

Kooxda Borussia Dortmund oo kaalinta labaad ee horyaalka ku jirta ayaa waxay xili ciyaareedkan qaybtiisii dambe la timid bandhig cajiib ah ka hor intii aan garoomada albaabada loo laabin, waxaanay maanta culays kusii kordhin doonaan Bayern Munich oo hoggaanka haysa oo ay hal dhibic oo kali ah u jirsan doonaan.

Wiilasha tababare Lucient Favre oo ciyaartii ugu dambaysay ahayd kulankii ay PSG kaga soo reebtay tartanka Champions League markii ay taariikhdu ahayd March 11 oo 2-0 lagu soo garaacay magaalada Paris, ayaa waxay horyaalka haystaan 51 dhibcood iyadoo afar dhibcood ka dambaysa Bayern Munich oo ay ku dhowaanayso haddii ay ka adkaato Schalke.

Afar ciyaarood oo xidhiidh ah oo ay kusoo garaaceen Eintracht Frankfurt, Werder Bremen, Freiburg iyo Borussia Monchengladbach, waxay BVB isku diyaarisay inay sii wadato guulaheeda xidhiidhka ah, laakiin ciyaaraha ay iskaga hor yimaaddaan Schalke ayaa ahaan jiray kuwo ku adag sannadihii ugu dambeeyey iyadoo kaliya ka adkaatay hal mar siddeedii kulan ee isugu dambeeyey, iyadoo jabkii ugu weynaana ahaa khasaarihii 4-2 loogu geystay xili ciyaareedkii hore.

Borussia Dortmund oo bishii January uu cudud iyo xoog weyn kusoo kordhiyey dhaliyaha da’da yar ee ay soo iibsatay ee Erling Haaland, waxa lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Bundesliga ay soo guuleysatay shan ka mid ah iyo hal ciyaar ah oo laga badiyey, laakiin Schalke ayaan lixdeeda ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka wax guul ah soo arag, waxaanay u ahaayeen afar barbarro ah iyo laba ciyaarood oo laga badiyey.

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Borussia Dortmund vs Schalke 04

Tartanka: Bundesliga

Waqtiga: 4:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Signal Iduna Park

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Tababaraha Borussia Dortmund, Fabre ayaa khamiistii xaqiijiyey in Axel Witsel iyo Emre Can aanu midkoodna ciyaarta Sabtida maanta diyaar u ahayn, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Julian Brandt iyo Thomas Delaney ay kusoo bilaaban doonaan khadka dhexe.

Dan-Axel Zagadou, Nico Schulz iyo Marco Reus ayaa sidoo kale ka maqan Borussia Dortmund, waxaase taam ah Jadon Sancho iyo Achraf Hakimi oo bilo ay caafimaadkooda u baqayeen kaddib isku muujin doona kulanka maanta.

Thorgan Hazard iyo Erling Braut Haaland ayaa iyaguna u diyaarsan kulankan.

Dhinaca Schalke, Omar Mascarell iyo Ozan Kabak ayaan ciyaartan diyaar u ahayn, waxa kale oo uu shaki ku jiraa Benjamin Stambouli.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

Dortmund: Burki; Piszczek, Hummels, Akanji; Hakimi, Brandt, Delaney, Guerreiro; Sancho, Haaland, Hazard

Schalke: Schubert; Kenny, Todibo, Nastasic, Oczipka; McKennie, Schopf, Serdar; Raman, Burgstaller, Harit

Kulamada kale ee shanta ah iyo shaxaha ay lasoo shir tegayaan

Augsburg vs. Wolfsburg

Augsburg: Luthe; Jedvaj, Gouweleeuw, Uduokhai, Max; Gruezo, Baier; Richter, Lowen, Vargas; Niederlechner

Wolfsburg: Casteels; Mbabu, Knoche, Brooks, Roussillon; Steffen, Arnold, Schlager, Brekalo; Mehmedi, Ginczek

Fortuna Dusseldorf vs. Paderborn

Dusseldorf: Kastenmeier; Suttner, Gieselmann, Hoffman, Ayhan, Zimmermann; Berisha, Stoger, Bodzek, Thommy; Karaman

Paderborn: Zingerle; Jans, Strohdiek, Schonlau, Collins; Vasiliadis, Gjasula, Sabiri; Proger, Srbeny, Antwi-Adjei

Hoffenheim vs. Hertha Berlin

Hoffenheim: Baumann; Zuber, Hubner, Akpoguma, Kaderabek; Grillitsch, Geiger, Rudy; Baumgartner, Bebou, Skov

Hertha Berlin: Jarstein; Klunter, Stark, Boyata, Platthardt; Skjelbred; Dilrosun, Grujic, Mittelstadt; Piatek, Cunha

RB Leipzig vs. Freiburg

RB Leipzig: Gulacsi; Klostermann, Konate, Halstenberg; Mukiele, Laimer, Sabitzer, Angelino; Schick, Nkunku; Werner

Freiburg: Schwolow; Koch, Gulde, Heintz; Gunter, Hofler, Haberer, Schmid; Waldschmidt, Sallai, Holer

Eintracht Frankfurt vs. Borussia Monchengladbach

Frankfurt: Trapp; Toure, Abraham, Hinteregger, N’Dicka; Hasebe; Kamada, Rode, Sow, Kostic; Paciencia

Monchengladbach: Sommer; Lainer, Ginter, Elvedi, Bensebaini; Kramer, Neuhaus; Embolo, Stindl, Thuram; Plea

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook