HORDHAC: Barcelona Vs Man United-Shaxa Macquulka Ah, Mucjisada Ay United U Baahan Tahay Iyo Rekoodhka Camp Nou Ee Barca Oo Red Devils Madax Xanuun Ku Abuuraya.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa garoonkeeda ku qaabilaysa Manchester United oo lugtii hore ee Old Trafford ay kaga soo adkaatay 1-0, laakiin Solskjaer ayaa dib u xasuusanaya caawa wacdarihii uu Camp Nou ka dhigay sannadkii 1999-kii oo uu finalkii Champions League qayb ka noqday goolashii soo-laabashada ee saddexda daqiiqadood.

Barcelona ayaa ka hor intii aanay usoo bixin wareegga siddeed-dhamaadka, waxay soo burburisay Lyon oo ugu timid gobolka Catalonia, laakiin United ayaa PSG oo ay ugu tagtay Paris kusoo dhufatay saddex gool oo sabab u noqday inay soo gaadho marxaladdan.

Kooxda reer Spain ayaa ku naaloonaysa rikoodh cajiib ah oo ah kulamada tartamada Yurub ee ay lugta hore bannaanka kusoo ciyaarto, waxaanay wareegga xiga u soo baxday 39 ka mid ah 41 ciyaarood oo ay ciyaarihii hore marti noqotay, laakiin xili ciyaareedkii 1980-81 ayay kooxda reer Germany ee FC Koln tartanka Champions League ka saartay iyadoo lugtii labaad joogta Camp Nou, sidaas oo kalena waxa samaysay Metz oo iyaduna ka dhisan Germany oo xili ciyaareedkii 1984-85 Camp Nou ku garaacday kulamadii Cup Winners’s Cup.

Waxa intaa dheer, Barcelona lagagama adkaanin 30-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kulamada Champions League ee ay ku ciyaartay garoonkeeda, waana rikoodhkii ugu dheeraa ee ay koox samayso, iyadoo 27 guulood iyo 3 barbarro ah diiwaangashatay muddadaas, waana rikoodhka ay caawa tahay in Manchester United ay jabiso haddii ay doonayso inay usoo gudubto wareegga semi-finalka.

Markii ugu dambaysay ee Barcelona garoonkeeda lagaga adkaado, waxay ahayd semi-finalkii Champions League ee xili ciyaareedkii 2012-13 oo ay Bayern Munich 3-0 ku burburisay.

Waxa intaas u dheer, Barcelona waxay haysataa fursad kale oo ah in gool uu iska dhaliyey Luke Shaw lugtii hore ee Old Trafford inuu noqon doono furaha kalsoonidooda. Waxa kale oo intaas u dheer, tababare Ernesto Valverde ayaa nasiyey ciyaaryahannadiisa muhiimka ah kulankii Sabtidii ee horyaalka LaLiga ee Huesca ay barbarraha la galeen.

Blaugrana waxay doonaysaa in sannadkan ay dib usoo ceshato guulihii cajiibka ahaa ee sannadihii 2009 iyo 2015 oo ay ku wada guuleysato Champions League, LaLiga iyo Copa del Rey.

Horyaalka xilli hore ayay kooxaha kale uga hadheen, sidoo kalena Copa del Rey ayay finalka iskugu soo hadheen Valencia oo ay bisha dambe ciyaari doonaan, halka Champions League ay u baahan tahay inay iska dhiciso Man United caawa kaddibna ay semi-finalka iyo finalka ku garaacdo kooxaha ay iskugu yimaaddaan.

Dhinaca kooxda martida ah ee Manchester United, labadii jeer ee ugu dambeeyey ee Champions League ay ku ciyaarto garoonkeeda waa lagaga badiyey, laakiin waxay nasiib u yeelatay in guul-darradii hore ay kasoo kabato oo ay guul kaga soo beddelato PSG, sidaas oo kale ayaanay caawa u dagaallami doontaa.

Laba arrimood ayaa shidaal ay ka dhiganaysaa United kulankan. Arrinta koowaad ayaa ah in soolaabashadii PSG oo kale ay qalbiga ku hayso, sidoo kalena ay garoonkan ku qaadday Champions League sannadkii 1999.

Xogta Kulanka: 

Tartanka: Champions League, Lugta labaad ee quarter-finalka

Waqtiga: 10:00PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Wararkii ugu dambeeyey ee ganaaxyada iyo dhaawacyada labada kooxood

Solskjaer oo shan isbeddel ku sameeyey kooxdiisa kulankii West Ham ee Sabtidii ayaa waxay Barcelona la ciyaaraysaa 72 saacadood oo kaliya kaddib kulankaas, waxaase dib ugu soo laaban doona Scott McTominay oo la nasiyey iyo Marcus Rashford oo beddel kusoo galay xilli dambe.

Nemanja Matic oo dhaawac ku seegay kulankii hore ayaa dib ugu soo laabtay kooxda, laakiin laacibka reer SPain ee Ander Herrera ayaan lagu soo darin liiska kooxda ula safray dalka Spain, laakiin waxa booskiisa diyaar ku ah Fred oo qaab ciyaareed wanaagsan sameeyey lugtii hore iyo kulankii Sabtidii labadaba.

Matteo Darmain iyo Antonio Valencia ayaa wali u jiifa dhaawac, sidoo kalena Eric Bailly ayaan taam u noqonin ciyaartan, waxaase dib ugu soo laabtay Alexis Sanchez, halka uu ganaax ku maqan yahay Luke Shaw.

Dhinaca Barcelona waxa si fiican u nastay oo Arbacadii hore ay garoomada ugu dambaysay xiddigaha Lionel Messi, Sergio Busquets, Ivan Rakitic, Luis Suarez iyo Gerard Pique, kuwaas oo dhamaantood isku sii diyaarinayey Manchester United.

Lionel Messi oo wajiga uu dhaawac fudud ka gaadhay lugtii hore markii ay isku dhaceen Chris Smalling ayaa taam ah, mar kalena u diyaarsan jabinta United oo uu hore laba jeer u niyad-jabiyey. Sidaas oo kale, Rakitic oo xanuunsanayey ayaa la sheegay inuu bogsaday.

Weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele ayaa la filayaa in uu beddeli doono Philippe Coutinho oo lumiyey qaab ciyaareedkiisii lagu yaqaanay.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood: 

Barcelona: Ter Stegen; Nelson Semedo, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Arthur Melo;  Ousman Dembele, Lionel Messi, Luis Suarez

Manchester United: De Gea; Dalot, Lindelof, Smalling, Darmian; McTominay, Fred, Pogba; Rashford, Lukaku, Martial

Rekoodhka Barcelona ee Camp Nou iyo Xogta Man United Madax Xanuunka ku Abuuraysa.