Hordhac: Barcelona vs Granada – Setien Oo Kulankii Ugu Horreeyey Hoggaaminaya Barca, Guul Qasab Ah Oo Uu U Baahan Yahay Iyo Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Advertisements

Quique Setien ayay caawa u bilaabmaysaa shaqadiisii ugu horreysay ee Barcelona marka ay caawa martigeliyaan kooxda Granada oo ugu tegaysa Camp Nou.

Tababare Quique Setien  oo ay da’diisu tahay 61 jir ayaa shaqada ka beddelay Ernesto Valverde, waxaanu soo bixiyey tababarka dhawr maalmood, taas oo laga soo arkay ifafaale isbeddel iyo yididiilo hor leh geliyey ciyaartoyga iyo taageereyaasha, hase yeeshee marka uu Camp Nou kusoo dhaweeyo Granada, waxa uu maanka ku haynayaa in ay u bilaabmayso taariikhdiisa cusub ee Blaugrana oo diiwaankana ay u geli doonto natiijada uu keeno, xilli hoggaankana ay kala wareegtay Real Madrid.

Barcelona waxay doonaysaa inay jidka guusha kusoo laabato kaddib markii ay niyad jab kala soo laabatay waddanka Saudi Arabia oo ay Ateltico Madrid 3-2 ay ku garaacday semi-finalka Spanish Super Cup maalintii Khamiistii, waxaanu kulankaasi noqday midka sahayday Valverde oo shaqada lagaga caydhiyey.

Setien oo xilli dambe uu nasiibkiisu siiyey shaqada ka bannaanaatay Barcelona oo markii hore loo doonayey rag kale oo uu ugu horreeyey Xavi, waxa uu caawa hoggaaminayaa koox dhamaystiran laakiin ka dhantaalan dhinaca weerarka oo uu ka dhaawacan yahay Lionel Messi, halkaas oo noqon doonta caqabadda ugu weyn ee ay tahay inuu xal u helo.

Marka ay kala dhamaadaan Granada, waxa Barcelona ugu xigi doonta safar ay ugu tegi doonto Ibiza oo Copa del Rey ay u ballansan yihiin Axadda, waxaana ay bisha January kusoo xidhan doonaan kulanka adag ee Valencia ay martida ugu noqonayaan Mestalla Stadium, saddexdaas kulanna waxay noqon doonaan kuwa ugu horreeya ee uu Setien kalsooni ama kalsooni darro kaga heli doono jamaahiirta naadiga.

Kooxda martida ah ee Granada oo sannadkii hore kasoo baxday heerka labaad, waxa hoggaaminaya tababare Diego Martinez oo sabab ugu noqday naadigiisa inay wacdaro ka dhigaan horyaalka, iyagoo 19 ciyaarood oo ay soo dheeleen kasoo helay 27 dhibcood, waxaanay fadhiyaan kaalinta 10aad.

Kulankii ugu dambeeyey horyaalka, waxay 1-0 kusoo jiidheen Mallorca, taas oo siisay fursad ah inay ka gudbaan rikoodhka inkaarta ah ee ah in tan iyo xili-ciyaareedkii 1973-74 aanay ku dhmayasanin meel ka sarraysa kaalinta 15aad.

Kulankii horraantii xili ciyaareedkan waxa 2-0 ku adkaatay Barcelona, markii ugu dambaysay ee Granada ay usoo safartay Camp Nou na waxay ahayd October 2016 markaas oo Barca ay ku adkaatay1-0.

Marka la eego rikoodhka labada kooxood ee lixdii ciyaarood ee ugu dambaysay ee horyaalka LaLiga, Barcelona waxay soo guuleysatay saddex ciyaarood, saddex kalena barbarro ayay soo gashay, halka Granada ay laba jeer guuleysatay, laba laga badiyey iyo hal mar oo barbarro ah.

Xogta Kulanka:

Ciyaarta: Barcelona vs Granada

Tartanka: LaLiga, Kulanka 20aad

Waqtiga: 11:00 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Barcelona waxa muddo afar bilood ah ka maqnaanaya weeraryahanka Luis Suarez oo lagu sameeyey qalliin, sidoo kalena waxa wali maqan Ousmane Dembele oo dhaawac ah, waxa kale oo u raaca kubbad-sameeyaha khadka dhexe ee Frenkie de Jong oo ganaax ku maqan kaddib kaadh cas oo uu qaatay kulankii Espanyol ay barbarraha 2-2 la galeen.

Tababare Setien waxa uu nasiib u helay inuu dib ugu yeedho goolhaye Marc-Andre ter Stegen oo dhaawac jilibka ah ku maqnaa usbuucyadii u dambeeyey, waxaana liiska ciyaartoygiisa hoggaaminaay Lionel Messi oo ay wehelinayaan Griezmann iyo Ansu Fati oo hoggaamin doona shaxda kooxda.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Pique, Lenglet, Alba; Busquets, Rakitic, Vidal; Fati, Griezmann, Messi

Granada: Silva; Sanchez, Duarte, Martinez; Diaz, Herrera, Gonalons, Neva; Puertas, Soldado, Machis

 

Advertisements

4 Comments

Comments are closed.