Hordhac: Barcelona vs Getafe – Kooxdii Dhibka Badnayd Ee Getafe Oo Camp Nou Imanaysa, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

Advertisements

Barcelona ayaa hoggaanka horyaalka LaLiga si ku-meelgaadh ah ugala wareegi karta Real Madrid haddii ay guul weyn ka gaadho ciyaarta ay maanta ku martigelinayso naadiga Getafe oo kaalinta saddexaad ku jira.

Advertisements

Kooxda kooxda tababare Setien oo saddex dhibcood ka hoosaysa Real Madrid oo hoggaanka haysa, ma hayso fursad dambe oo ay iska lumiso haddii ay sidaasi dhacdana waxay geli doonaan mashaqo iyo niyad-jab quus ka gelinaya horyaalka, taasina waxay  mugdi sii gelin kartaa xaaladda kooxda oo haddaba ay dul hoganayaan daruuro khilaaf ah oo ka abuurmay hadallo ay is weydaarsadeen Messi iyo Abidal.

Labadii kulan ee ugu dambeeyey, Barcelona waxa guulo kasoo heshay Levante iyo Real Betis, waxaana sii qoyan raadkii taariikhiga ahaa ee uu sameeyey Messi oo ahaa saddexley caaawin ah, laakiin guul ay ka gaadho ciyaarta maanta, Barcelona waxa muhiim uga sii dhigaya kulanka EL Clasico oo bisha dambe qabsoomi doona.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ee labadii sannadood ee hore kusoo guuleysatay, waxa ragaadiyey dhaawacyo dibedda dhigay Dembele iyo Suarez, hase yeeshee Ansu Fati ayay soo bixiddiisu culays ka furatay Quique Setien.

Dhinaca kale, Getafe ayaa xili ciyaareed mucjiso ah qaadanaysa, waxaanay si buuxda ugu raaxaysanaysaa kaalinta saddexaad iyadoo ka sarraysa Atletico Madrid, Valencia iyo naadiyada kale ee ku hamiyaya inay ka qayb galaan Champions League xili ciyaareedka dambe.

Marka la eego lixdii kulan ee ugu dambeeyey, Barcelona iyo Getafe waxay kusoo jireen duruufo isku dhow, waana sabab ka farxin karaysa kooxda martida ah oo tusinaysa in awood ahaan aanay wax badan ka hoosaynin Blaugrana oo dib usoo socota.

Barcelona waxay lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey LaLiga soo guuleysatay afar mar, ciyaar laga badiyey iyo mid barbarro ah, halka Getafe ay afar guulood iyo laba laga badiyey heshay.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Barcelona vs Getafe

Tartanka: LaLiga

Waqtiga: 6:00 pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Barcelona waxay ka dhantaalan tahay afka hore, waxaana dhaawacyo ka ah Ousmane Dembele iyo Luis Suarez, waxaase xaaladda kusii xumeeyey tababare Quique Setien, daafaca Clement Lenglet oo ganaax ku maqan ciyaartan kaddib kaadh cas oo la siiyey ciyaartii Real Betis ee usbuucii hore ay dirqiga kusoo dhaafeen.

Gerard Pique oo kasoo noqday ganaax, ayaa kusoo laaban doona safka hore, waxaanu ka garab dheeli doonaa Samuel Umtiti iyo Nelson Semedo, hase yeeshee difaaca midig waxa uu kasoo kacay xanuun ka hor intii aanu Arbacadii tababarka kusoo laabanin.

Ansu Fati iyo Jordi Alba oo labaduba kaydka kusoo bilowday ciyaartii Betis ayaa kusoo laaban doona safka hore, waxaase khadka dhexe culays soo saaraya Arthur oo tababaraha ku cadaadinaya in la siiyo boos joogto ah oo lagu soo bilaabo.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Umtiti, Pique, Alba; Arthur, Busquets, De Jong; Fati, Griezmann, Messi

Getafe: Soria; Cabaco, Dakonam, Etxeita, Olivera; Cucurella, Maksimovic, Arambarri, Nyom; Molina, Mata

 

Advertisements