HORDHAC: Atletico Madrid Vs Juventus – Kulanka Caawa, Rikoodhkii Crisitano Ee Madrid, Ciyaarihii Hore U Dhex Maray Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

Atletico Madrid ayaa garoonkeeda Wanda Metropolitano ku soo dhoweynaysa Juventus lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanak Champions League, halkaas oo uu ka bilaabmi doono imtixaankii ugu adkaa ee Cristiano Ronaldo uu ku maro magaalada Madrid tan iyo markii uu ka tegay Real Madrid xagaagii tegay.

Juventus oo ka mid ah kooxaha loo saadaalinayo inay ku guuleysan doonaan horyaalka naadiyada Yurub ee xili ciyaareedkan ayaa u safartay magaalada Madrid, waxaana qaabilaysa Atletico Madrid oo sare ugu soo ruqaansatay booska kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga kaddib guushii ay ka gaadhay Rayo Vallecano usbuucan, isla markaana uu usoo laabtay Diego Costa.

Atletico Madrid oo kasoo baxday Group A ayaa ciyaartii ugu dambaysay waxay 4-0 kusoo xasuuqday Borussia Dortmund, waxayse ku dhamaysatay kaalinta labaad iyadoo haysata 13 dhibcood, hase yeeshee waxay ku hamiyeyaan inay ka dhabeeyaan riyadii ka beenowday labada jeer ee ay tageen finalka Champions League shantii sannadood ee ugu dambeeyey, gaar ahaan 2014 iyo 2015.

Xili ciyaareedkii hore, Atletico waxay ku hadhay wareegga koowaad ee tartanka Champions League, waxayse kusoo guuleysatay Europa League oo ay ka ciyaartay, iyadoo garaacday afarta kooxood ee Lokomotiv Moscow, Sporting Lisbon, Arsenal iyo Marseille oo finalkii ay iskugu soo hadheen.

Afar ka mid ah shantii jeer ee ugu dambeeyey ee Atletico Madrid ay timid wareegga 16-ka tartanka Champions League waxay kusoo gudubtay durduro, sidoo kalena waxay kooxaha Talyaaniga soo garaacday afar ka mid ah siddeeddii kulan ee guri-ka-guri ay isku haleeleen.

Ciyaaraha garoonkeeda, Atletico Madrid waxay ku haysataa rikoodh fiican gaar ahaan tartanka Champions League, waxaana 12 kulan oo hoygeeda ay ku ciyaartay wareegyada isreeb-reebka UCL ay dhamaantood ka badbaadday khasaare, sidoo kalena shantii kulan ee ugu dambeeyey ee kooxo Talyaani ah ay garoonkeeda kusoo dhoweysay way garaacday, hase yeeshee Juventus waxay leedahay awood aan la dhayalsan karin oo uu tababare Diego Simeone u baahan yahay inuu taxadar dheeraad ah ka sameeyo.

Marka si guud loo eego, lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee tartanka Champions League, Atletico Madrid waxay guuleysatay afar ka mid ah, laba barbarro ah iyo hal kulan oo laga badiyey.

Dhinaca kale, Juventus waxay sii waddaa inay guulo xidhiidh ah ka waddo horyaalka LaLiga, isla markaana ay ku hammido in ku darsato tartanka Champions League oo ah koobka kaliya ee ka maqnaa sannadihii ay sida xidhiidhka ah ugu guuleysanaysay Sere A.

Labadii xili ciyaareed ee 2014-15 iyo 2016-18, waxay Juventus tagtay Finalka Champions League, waxaase garaacay Barcelona iyo Real Madrid, laakiin waxay xili ciyaareedkan ku hubaysan tahay laacibiin tayo badan oo uu hoggaaminayo Cristiano Ronaldo, kuwaas oo ku riyoonaya inay Old Lady ka caawiyaan inay ku guuleysato Champions League oo ay ugu dambaysay sannadkii 1996kii.

Sagaal jeer oo hore ayay Juventus timid wareegga 16-ka ee Champions League, lix ka mid ahna durduro ayay kusoo gudubtay, halka saddexna ay ku hadhay, balse markii ay kasoo adkaatay Manchester United oo Old Trafford joogta, isla markaana ay kaalinta koowaad kaga soo baxday Group H, waxa uu tababare Allegri helay kalsooni ah inuu haysto kooxdii uu sannadkan kula dabbaal-degi lahaa guusha.

Cristiano Ronaldo oo aad u jecel kulamada Atletico Madrid ayaa u dagaallami doona inuu sii kordhiyo rikoodhka gool-dhalinta uu ka haysto kooxda Simeone oo 31 kulan oo uu ka hor tegay uu ka dhaliyey 22 gool, kuwaas oo dhamaantood ahaa sagaalkii sannadood ee uu u ciyaarayey Real Madrid.

Garoonka quruxda badan ee Wanda Metropolitano, waxa uu Ronaldo kusii kordhisan karaa tirada goolasha uu xili ciyaareedkan dhaliyey oo ay tiradoodu tahay 21 dhamaan tartamada.

Marka si guud loo eego, lixdii kulan ee ugu dambeeyey ee tartanka Champions League, Juventus waxay badisay afar ka mid ah, labadana kalena waa laga badiyey.

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Diego Costa iyo Stefan Savic ayaa xummaddii badnayd ee wewerka ka jabiyey Diego Simeone kaddib markii ay taam u noqdeen dhaawac ay ku seegeen ciyaartii Rayo Vallecano ee Sabtidii, hase yeeshee waxa ka maqnaan doona Lucas Hernandez oo jilibka ka dhaawacan, halka uu Koke dibb ugu soo laabtay tababarka oo uu kasoo raysanayo dhaawac muruqa ah.

Alvaro Morata oo ay amaah ay Altetico Madrid kaga soo qaaday Chelsea ayaa sharcigu u ogolaanayaa inuu ciyaaro maadaama uu Europa League kaliya kasoo ciyaaray, waxaanu kasoo garab muuqan doonaa Antoine Griezmann.

Thomas Lemar, Angel Correa iyo Vitolo ayaa kulankan diyaar u ah, halka uu tababaruhu khadka dhexe u kala dooran doono Koke, Rodri Hernandez, Thomas Partey iyo Saul Niguez.

Dhinaca Juventus, waxa weli aanu tababare Allegri ku xisaabtami doonin Juan Cuadrado oo uu la dheeraaday dhaawac jilibka ah, halka xilli dambe uu saaxadda ka baxay Sami Khedira waxaase usoo laabtay tiirarkii adkaa ee Giorgio Chiellini iyo Leonardo Bonucci oo kusoo bilaaban doona safka koowaad, halka Joao Cancelo iyo Alex Sandro ay baalaha difaaca ka ciyaari doonaan.

Miralem Pjanic iyo Blaise Matuidi ayaa la filayaa inay sii xejisan doonaan booskooda, waxaana weerarka wada jir uga ciyaari doona Ronaldo, Paulo Dybala iyo Mario Mandzukic.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

Atletico Madrid: Oblak; Arias, Godin, Gimenez, Luis; Koke, Rodri, Thomas, Saul; Griezmann, Morata

Juventus: Szczesny; Cancelo, Bonucci, Chiellini, Sandro; Pjanic, Matuid Bentancuri; Ronaldo, Dybala, Mandzukic

Rikoodhka kulamadii hore u dhex maray Atletico Madrid iyo Juventus

Kulankan waxa uu noqon doonaa midkii saddexaad ee tartan Yurub ah ku dhex mara labadan kooxood, waxaana kulamada hore ay ahaayeen wareeggii groupyada ee xili ciyaareedkii 2014-15.

Kulankii hore ee ka dhacay dalka Spain, Atletico Madrid ayaa ku adkaatay 1-0, ciyaartii labaad ee magaalada Turin na waxay ku kala baxeen barbarro goolal la’aan ah.