Hordhac: Atletico Madrid Vs Barcelona, Simeone Vs Valverde-Maxaa Kala Haysta Kooxaha La Liga Ku Tartamaya Ee Atleti & Blaugrana.

Waxaa laga soo laabtay kulamadii caalamiga ahaa waxaa markale si xamaasad leh u bilaami doona horyaalka La liga ee dalka Spainiyada oo kulanka ugu wayni uu dhex mari doono kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid waana kulan saamayn toos ah ku yeelankara kaalmaha sare ee La Liga.

Kooxda hoggaaminaysa horyaaalka waddanka Spain ee Barcelona ayaa u safartay magaalada Madrid oo ay kula soo ciyaari doonto Atletico Madrid oo hal dhibic oo kaliya ka hoosaysa.

Barcelona oo kulankeedii ugu dambeeyey ee horyaalka guul-darro 4-3 ah garoonkeeda Camp Nou ay ugu xambaarisay Real Betis ayaa mari doonto imtixaan adag, xilli ay ciyaartoygeedu kasoo laabteen kulamada caalamiga ah iyo dhaawacyo, balse Atletico oo garoonkeeda lagu ciyaarayo ayaa inkasta oo ay raxan ka mid ah laacibiinteedu dhaawacyo la dhibaatoonayaan u halgami doonta inay hoggaanka ka tuurto Barca oo ay iyadu ku fadhiisato.

Barcelona iyo Ateltico Madrid ayaa waxay kala haystaan 24 & 23 dhibcood, haddii kooxda reer Catalonia ay badisana waxay sii dheeraysan doontaa hoggaanka, balse haddii kooxda tababare Diego Simeone ay guuleysato, waxa isa soo gaadhi doona kooxo badan oo aan dhibco badan ka hoosaynin oo kulamada xiga ku hammiyi doona inay markooda hoggaanka qabtaan.

Kulamadii ugu dambeeyey ee Atletico ay garoonkeeda ku qaabishay Barcelona may ahayn kuwo jamaahiirteedu ku qanceen, kulankii ugu dambeeyey ee ay ka guuleystaana wuxuu ahaa ciyaar ka tisan horyaalka LaLiga oo February 2010 qabsoontay, hase yeeshee Barca ayaa 12 jeer ka guuleysatay Atletico siddeedii sannadood ee ugu dambeeyey.

Xogta Ciyaarta:

Kulanka: Atletico Madrid vs Barcelona

Taariikhda: Sabti, November 24, 2018

Waqtiga: 10:45 PM Xilliga Geeska Afrika

Garoonka: Wanda Metropolitano

Wararka labada kooxood

Atletico Madrid ayaa dhex dabbaalanaysa mashaqo dhaawacyo ah, waxaana ka maqnaan doona difaacyahannada Diego Godin iyo Jose Maria Gimenez oo ahaa laf-dhabarta difaaca ee kooxdu ku tiirsan tahay. Waxa kale oo shaki ku jiraa inay taam u noqon doonaan kulankan difaacyahannada kale ee Stevan Savid iyo Lucas Hernandez.

Dhinaca Barcelona, waxaa ka maqan Philippe Coutinho oo taam u noqon waayay kulanka caawa inkastoo uu tababarka dib ugu soo laabtay, waxaa sidoo kale ka maqan Barcelona Ivan Rakitic.

Kulamada horyaalka LaLiga ee ay iskaga hor yimaaddeen Atletico Madrid iyo Barcelona

Labadan kooxood, waxa taariikhda ugu jira 162 ciyaarood oo horyaalka Spain ee LaLiga inay iskaga hor yimaaddeen, waxaana intooda badan gacanta sare lahayd Barcelona.

73 ka mid ah 162-ka ciyaarood, waxa guuleysatay Barcelona, laakiin Atletico ayaa u damaashaadday guul 50 ciyaarood, halka 39-ka kulan ee kalena ay barbar-dhac ku kala baxeen.

Diego Simeone oo aan waligii Barcelona guul kaga gaadhin horyaalka La Liga ayaa markale raadin doona in uu Blaugrana ka helo guushiisii ugu horaysay ee uu sanadaha badan ku sugayay La Liga.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Atletico Madrid: Jan Oblak, Santiago Arias, Stefan Savic, Lucas Hernandez, Filipe Luis, Saul Niguez, Rodri, Angel Correa, Thomas Partey, Diego Costa, Antoine Griezmann

Barcelona: Marc-Andre ter Stegen, Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba, Arturo Vidal, Sergio Busquets, Arthur, Lionel Messi, Luis Suarez, Ousmane Dembele