HORDHAC: Ajax Vs Real Madrid- Shaxa Macquulka Ah, Wararka Labada Kooxood Iyo Los Blancos Sii Wadanaysa Riyada Markii Afraad Ee UCL.

Real Madrid ayaa marti u ah kooxda Ajax ee dalka Netherlands ka dhisan kulanka lugta kowaad ee wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions league waxayna Los Blancos doonaysaa in ay sii wadato riyada ay ka leedahay in ay markii afraad oo xidhiidh ah ku guulaysato koobka Champions League.

Santiago Solari ayaa rajaynaya in qaabkii Zidane ay hawluhu iskugu hagaagaan iyada oo Madrid hadda xaalad cajiib ah ku soo jirtay waxayna wajihi doonaan kooxda da’yarta u badan ee Ajax oo xili ciyaareedkan wacdaro ka soo dhigtay tartanka kooxaha Yurub ee muddada dheer ka maqnaayeen.

Kooxaha Ajax iyo Real Madrid waxay tartamada Yurub iskaga hor yimaaddeen 12 jeer, waxaana toddoba ka mid ah guuleysatay Real Madrid, halka Ajax ay afar guulood haysato, sidoo kalena hal kulan oo kaliya ay barbar-dhac galeen.

Lixdii kulan ee ugu dambeeyey ee labada kooxood waxa guuleysatay Real Madrid, laakiin afarta guulood ee Ajax ayaa ahaa xidhiidh, waxaanay ahaayeen intii u dhaxaysay April 1973 illaa November 1995-kii.

Markii ugu dambaysay ee Real Madrid booqatay magaalada Amsterdam, waxay ahayd October 2012 markaas oo ay Ajax ku soo xasuuqeen 4-1 kulan uu Cristaino Ronaldo saddexley ka dhaliyay.

Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Tadic oo Ajax uga soo wareegay Southampton xagaagii la soo dhaafay, una dhaliyey 22 gool, ayaa hoggaamin doona shaxda weerarka, waxaana uu garab ka heli doonaa Hundelaar ama Dolberg, halka Ziyech iyo David Neres ay ahaan doonaan xiddigaha dhexda u xidhanaya sidii ay u kala goyn lahaayeen Real Madrid.

Matthijs de Ligt oo la aaminsan yahay inuu ka mid yahay difaacyahannada ugu wanaagsan caalamka waqtigan, ayaa khadka dambe ee waardiyeynta goolka isku-duba-ridi doona, halka Frenie de Jong oo Barcelona tegi doona xagaaga uu abaabuli doono khadka dhexe.

Dhinaca Real Madrid, waxa dhaawac ku maqan Jesus Vallejo, Marcos Llorente iyo Isco, hase yeeshee waxa safka hore hoggaamin doona Karim Benzema, Vinicius Junior iyo Lucas Vazquez iyadoo uu tababaruhu go’aan ka gaadhi doono inuu saddexaad midkood ku beddelo Gareth Bale.

Sergio Reguilon ayaa la filayaa in mar kale uu kaydka dhigo Marcelo, halka khadka dhexena ay Casemiro, Luka Modric iyo Toni Kroos iska garab muuqan doonaan.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Champions League, lugta koowaad ee wareegga 16-ka.

Kulanka: Ajax v Real Madrid

Waqtiga: 11:00pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Johan Cruyf Arena, Amsterdam

Garsoore: Damir Skomina (Solovenia)

Shaxda Macquulka Ah Ee Ajax Vs Real Madrid

Ajax: Onana; Mazraoui, Blind, De Ligt, Tagliafico; Schone, De Jong, Van de Beek; Neres, Tadic, Ziyech

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Reguilon; Casemiro, Modric, Kroos; Lucas, Benzema, Vinicius