Hooyada Dhashay Xiddig Chelsea U Ciyaara Oo Ooysay Markii Wiilkeeda La Cunsuriyeeyay

Weeraryahanka Chelsea Tammy Abraham ayaa shaaca ka qaaday in hooyadiis ay ooysay ka dib markii uu dhibane u noqday qoraalo cunsurinimo isaga ka dhan ah oo la soo dhigay baraha bulshada.

Tammy Abraham ayaa rigoore qasaariyay kulankii finalka UEFA Super Cup oo ay koobka ka qaaday Liverpool.

Ciyaarta ka dib Abraham ayaa fariimo cunsurinimo ah loogu soo diray bogiisa Twitter, sida ereyga loogu yeeri jiray dadkii la adoonsan jiray ee N*gger”.

Waxay taasi keentay in ururka la dagaalama cunsuriyada isboortiga ee Kick It Out ay soo saaraan warbixin ay ku taageerayaan 21 jirkaan iyagoo ugu baaqay Twitter inay qaadaan talaabo looga hortagayo cunsuriyada.

Inkastoo Tammy Abraham uu sheegay inaysan saameyn ku yeelanin hadaan waxa ay saameyn weyn ku yeelatay hooyadiis oo xamili weysay cunsuriyada lagula kacayo wiilkeeda.

Isagoo u hadlayay jariirada Daily Mirror, weeraryahanka Ingariiska ayaa yiri: “Waxaan xusuustaa anigoo la hadlaya hooyadeey, waxay aheyd mid qiirootay.

“Waa ay ooyneysay. Waxay ku fekereysay ‘maxaad isaga ka rabtaan? Sida iska cad ma ahan wax fiican inaad aragto wiilkaaga oo lagu xadgudbayo.

“Aniga waxaan ahay shaqsi leh dabeecad adag. Wax saameyn ah iguma yeelanin. Laakiin waxa ay saameyn ku yeelan kartaa dadka aan shaqsiyadeyda oo kale laheyn.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Qof walba ayaa rigoore qasaariya, laakiin inaad rigoore qasaariso UEFA Super Cup waa mid musiibo ah.

“Ciyaarta ka dib waxaa la ii soo diray waxyaabo badan oo cunsurinimo ah laakiin Lampard ayaa taageere ii muujiyay oo kor ii qaaday.

“Asxaabteyda kooxda iyagana waa la mid, waxaan dareemay sida inaan waligeey rigoore qasaarinin oo kale. Taas ayayna aheyd wixii aan u baahnaa.”