Heshiiskii Uu Paulo Dybala Ugu Wareegi Lahaa Manchester United Oo Caqabad Weyn Ay Soo Wajahday

Heshiiskii uu Paulo Dybala ugu wareegi lahaa Manchester United ayaa caqabad weyn ay soo wajahday ka dib markii la isku mari waayay wadahadalada la xiriira mushaharkiisa.

Wakiilada weeraryahanka Juventus ayaa Man United kala hadlayay heshiiska shaqsiga ee ciyaaryahanka ka hor inta uusan dhaqan gelin heshiiska ciyaaryahan isku bedelasho ee Man United iyo Juventus iyadoo Lukaku uu dhanka kale aadayo, laakiin labada dhinac ayaa isku mari weysan mushaharka ciyaaryahanka.

Lukaku ayaa ka laabtay saaka magaalada London isagoo ku sii jeeda Manchester madaama uusan dhaweyn in heshiis la dhameystiro waxaana macquul ah inuu saaka xaadiro tababarka kooxda ee Carrington.

Wargeyska The Sun ayaa sheegay in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu doonayay in mustaqbalka Lukaku la xaliyo maanta si ay waqti ugu helaan soo xerogelinta bedelkiisa.

Juventus ayaa kaga hormartay Inter Milan tartanka 26 jirkaan waxaana ay diyaar u yihiin inay Man United u bandhigaan Dybala, Mario Mandzukic iyo 10 milyan ginni si ay u helaan xiddiga reer Belgium.

Laakiin heshiiskaas waxa uu ku xiran yahay in Dybala uu heshiis shaqsi ah la gaaro Manchester United oo xilli ciyaareedka soo socda ka ciyaareysa Europa League.

Ciyaartoyda United ayaa mushaharkooda laga dhimay boqolkiiba 25 madaama ay u soo bixi waayeen Champions League.

Laakiin Dybala ayaa dalbanaya in la siiyo mushahar la mid ah xiddigaha waa weyn ee kooxda islamarkaana aan waxba laga dhimin mushaharkiisa madaama uu ka dheelayo Europa League.

Weeraryahanka Argentina oo 25 sanno jir ah ayaa ku faraxsan inuu sii joogo kooxda heysata horyaalka Talyaaniga, kaliya mushahar qaali ah ayaa ka dhaadhicin kara inuu ka tago Turin.