Heshiiskii Barca Ee Griezmann Oo Burburaya, Liverpool Oo 11 Xiddig Lala Xidhiidhinayo &Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Caawa Fiidkii Ay Qoreen Warbaahinta Yurub

warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga
warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga

Iyadoo haatan uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan, xanta suuqa ayaa ah mid aan kala joogsi laheyn iyadoo warbaahinta isboortiga ee Yurub ay isku dayayso inay xog ka soo gudbiso xaaladii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo kooxaha.

Hadaba waxaan idiin soo uruurinay wararkii ugu waa weyn ee ay warbaahinta Yurub qoreen caawa fiidkii.

Antonio Conte ayaa qarka u saaran in loo magacaabo tababaraha kooxda Inter Milan, Conte ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga ceyriyay kooxda Chelsea bishii July 2018. (Sky Italia)

Barcelona ayaa dib u dhac uu ka soo wajahay doonistooda Antoine Griezmann. Xiddiga reer France ayaa la filayay inuu ku biirayo kooxda heysata horyaalka Spain ka dib markii uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo Atletoco Madrid, laakiin waxaa la sheegayaa in heshiiskiisa uu hakad ku yimid iyadoo Barcelona ay durbaba raadineyso xiddigo kale oo u dhigma. (Mundo Deportivo)

Ilo ku dhow dhow Gareth Bale ayaa u sheegay jariirada AS in ciyaaryahanka uusan qorsheyneynin inuu ka tago Real Madrid xagaagan inkastoo isaga iyo kooxda ay qir kala joogaan. (AS)

Barcelona ayaa dhameystirtay saxiixa Ludovit Reis, oo ah 18 jir khadka dhexe uga ciyaara kooxda Groningen ee dalka Netherland. Waxa uu xiddigaan u dheeli doonaa Barcelona B laakiin waxa uu xagaagan qeyb ka noqon doonaa kulamada saaxiibtinimo ee kooxda koowaad. (Marca)

Liverpool ayaa kooxaha Yurub ka dhex raadineysa weeraryahan. Waxaa lala xiriiriayy 11 magacyo oo kala ah: Bertrand Traore iyo Maxwel Cornet oo u dheela Lyon, Nicolas Pepe oo u ciyaara Lille, weeraryahanka Cetla Vigo Maxi Gomez, xiddiga Villarreal Samu Chikwueze, kan Benfica Joao Felix labada xiddig ee AJax David Neres iyo Hakim Ziyech, xiddiga RB Leipzig Timo Werner, xiddiga garabka ka ciyaara ee Bournemouth Ryan Fraser iyo xiddiga West Ham Felipe Anderson. (Daily Mail)

RASMI: Goolhaye Willy Caballero ayaa kordhiyay qandaraaskiisa kooxda Chelsea isagoo ku daray hal sanno. Waa xiddigii labaad ee isbuucaan qandaraas u kordhiyay Chelsea ka dib markii uu shalay qandaraas cusub saxiixay Olivier Giroud.

Benfica ayaa ku dhow inay la wareegto goolhaye Cillessen. Barcelona ayaa ku dooneysa goolhayaheeda lacag gaareysa 20 milyan euro. (A Bola)

Manchester United ayaa dalab furitaan ah oo gaaraya 25 milyan ginni ka gudbineysa daafaca kooxda Crystal Palace Aaron Wan-Bissaka. (Evening Standard)

Saxiixa cusub ee Chelsea Christian Pulisic ayaa heegay inuu talo weydiistay xiddigii hore ay isku kooxda ahaayeen Pierre-Emerick Aubameyang ka hor inta uusan ku biirin Chelsea. (Evening Standard)