Heshiiska Uu Cristiano Ronaldo Ugu Biiray Kooxda Juventus Oo Fure U Noqonaya Heshiisyo Badan Oo Qabsooma & Saamaynta CR7 Oo Dhawaan Laga Dareemi Karo Kooxaha Ugu Waawayn Qaarada Yurub.

Heshiiskii uu xalay kabtanka Portugal ee Cristiano Ronaldo ugu biiray kooxda difaacanysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa fure  noqon kara heshiisyo waawayn oo ka qabsooma guud ahaan suuqa kala iibsiga ee qaarada Yurub iyadoo dhawaan la filayo in la dareemo saamaynta uu Don ku yeelan doono suuqa xagaagan.

Juventus waxay isku dayaysaa inay dib u habayn balaadhan ka samayso gudaha kooxdeeda iyada oo adeegsan doonta Ronaldo oo ay doonayaan inay koox cusub hareerihiisa ka dhisaan sidaa darteed saxaafada Talyaanigu waxay ugu horayn carrabka ku dhufteen bixitaan Gonzalo Higuain si ay Juve maalgalin ugu hesho heshiiska Cristiano Ronaldo.

Imaatinka Gonzalo Higuain ee Blues waxa uu sidoo kale meesha ka saarayaa Alvaro Morata kaas oo isna dhibane u noqon kara isla saamaynta heshiiska Ronaldo, Blues ayaa la filayaa inay iska fasaxdo xiddigan kaddib markii ay dhawacyo kusoo noq noqdeen isla markaana uu kaydka u galay Olivier Giroud waxaana suurogal ah inuu u hayaamo kooxda Bayern Munich ee horyaalka Germany.

Bayern waxay isha ku haysaa Morata iyo sidoo kale weeraryahanka PSG ee Edinson Cavani maadaama oo ay ka cabsi qabaan in kooxda uu ka baxo Robert Lewandowski, Lewy waxa uu usoo dhaqaaqi karaa horyaalka Spain gaar ahaan Real Madrid.

Dhinaca kale haddii uu Cristiano si rasmi ah u baxay Los Blancos waxay u baahan doontaa inay samayso nooca saxiix ee loo yaqaano Galactico amaba saxiix weyn waxaana la filayaa inay awoodeeda isugu gayn doonto xiddigaha Paris Saint-Germain ee Neymar JR iyo Kylian Mbappe halka uusan meesha ka maqnayn weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane.

Si kastaba ha ahaatee heshiiskan uu Ronaldo ugu biiray kooxda Juventus ayaa noqon kara mid aan kaliya ku ekanin intaas balse saamayn ku yeelan kara kooxaha ugu waawayn qaarada Yurub iyadoo ay saamayntaasi ka bilaabmi doonto ciyaartoy isaga dartii looga diro Juve amaba kuwo badalkiisa ahaan loo keeno Real Madrid.