Heshiiska Real Madrid Ee Eden Hazard Waxa Uu Cadaynayaa In Ayna Aaminsanayn Xidigahooda Spanishka Ah-Joan Laporta Oo Weerar Ku Qaaday Maamulka Madrid.

Madax waynihii hore ee kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa weerar ku qaaday maamulka kooxda Real Madrid kadib markii ay dhamaystireen heshiiska qaaliga ah ee ay Eden Hazard kula soo saxiixdeen.

Joan Laporta oo hore madax wayne ugu soo noqday waqtigii ay Barcelona ku jirtay casrigii dahabiga ahaa ee Guardiola isla markaana ay kooxdu ku ciyaaraysay xidigaha ugu badnaa ee xarunteeda La Masia ka soo baxay ayaa heshiiska Hazard ee Madrid siyaabo kala duwan uga hadlay.

Inkasta oo uu Joan Laporta sheegay in heshiiska Eden Hazard ee Real Madrid uu tartan xoogan ka abuuri doono horyaalka La liga, haddana waxa uu cadayn uga dhigtay sida ayna Madrid u aaminsanayn ciyaartoydeeda Spanishka ah.

Imaatinka Eden Hazard ee Real Madrid ayaa dhibaato wayn ku noqon doona horumarkii uu soo samaynayay Marco Asensio si la mid ah ciyaartoyda dalkiisa Spain ee Lucas Vazguez iyo Mariano Diaz. waxayna sidoo kale dhibaato ku noqon doontaa Vinicius Jr.

Ugu horayn Joan Laporta oo qiraya in Hazard uu tartan xoogan soo kordhin doono ayaa yidhi: “Isagu waa ciyaartoy fiican, wuxuuna shaki la’aan La liga ka dhigi doonaa mid xataa ka sii tartan badan”.

Laakiin Joan Laporta ayaa sheegay in kadib dhibaatadii Madrid soo gaadhay xili ciyaareedkii dhamaaday in lagu qasbay in ay suuqa saxiixyo waa wayn ka samayso wuxuuna yidhi: “Real Madrid waxaa lagu qasbay in ay suuqa kala iibsiga u baxaan oo ay saxiixyo raadsadaan”.

Balse Joan Laporta ayaa tilmaamay in falsafadiisa iyo tan kooxda Barcelona ay ka duwan tahay Real Madrid wuxuuna yidhi: “Ugu yaraan ma aha casriga aan anigu matalo. Barcelona waxaanu ku haysanaa falsafad kale oo waqti dheer ah taas oo aanu ku eegno ciyaartoyda da’yarta ee akadamiyada”.

“Marka taas laga yimaado, qaabka suuq u galistani ee raadinta ciyaartoydu ma damaanad qaadayso waxba, sababtoo ah xili ciyaareedkan horyaalka ayaanu ku guulaysanay, Real Madrid waxay ku baxday wax la’aan” ayuu Laporta hadalkiisa sii raaciyay.

Laakiin Joan Laporta oo maamulka Madrid weerar ugu qaadaya heshiiska Eden Hazard iyo in ay ciyaartoydooda Spanishka ah aamini waayeen ayaa yidhi: “Waa cadayn ama waa daliil in ayna iyagu aaminsanayn ciyaartoyda Spanishka ah”.

Eden Hazard ayaa booska kala bixi doona da’yarka horumarka wayn sameeyay ee Vinicius Jr balse waxa uu xaalada ku sii xumeeyay Marco Asensio, Lucas Vazguez iyo Maraino Diaz oo ay suurtogal tahay in Bernabeu laga fasixi karo ama xataa amaah looga diri doono qaar ka mid ah.