Heshiiska Barcelona Ee Matthijs de Ligt Waxaa Lagu Gaba Gabeeyay Montecarlo.

TV-ga laga leeyahay gobolka Catalania ee Esport 3 ayaa shaaciyay in heshiiska Barcelona la gaadhay difaaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt lagu gaba gabeeyay Montecarlo.

Wariyaha Oriol Domènech oo ka hadlayay barnaamijka Club de la Mitjanittelevision kaas oo ka baxa TV-ga Esport 3 ayaa faah faahin ka bixiyay waqtigii ay maamulka Barcelona iyo wakiilka Matthijs de Ligt ay kulmeen.

Wariyahan Oriol Domènech ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Barcelona iyo wakiilka De Ligt ee  Mino Raiola ay ku kulmeen magaalada Monaco gaar ahaan Montecarlo halkaas oo uu sheegay in ay heshiiska xidigan ku dhamaystireen.

Waxa kale oo uu Oriol Domènech sheegay in kulanka ka dhacay Montecarlo ee dhex maray saraakiisha Barcelona iyo  Mino Raiola in uu qabsoomay maalintii April 12 markaas oo ka horaysay ganaaxa ay FIFA iyo xidhiidhka kubbada cagta Italy ku soo rogeen  Mino Raiola.

Warka ayaa intaa raaciyay in  Mino Raiola iyo maamulka Barcelona ay ka heshiiyeen qodobada heshiiska shaqsiga ah ee uu De Ligt ugu soo biirayo Barcelona taas oo soo gaba gabayn karta tartankii ay kala kulmaysay Real Madrid iyo kooxhaa kale ee Yurub.

Barcelona ayaa tartan badan kala kulmaysay kooxaha Yurub ugu waa wayn oo aan wali ka quusan saxiixa Matthijs de Ligt laakiin warkan soo baxay ayaa muujinaya in ay maamulka Camp Nou haddaba dabaalka ku guulaysteen.

Matthijs de Ligt ayaa hore u muujiyay sida uu u doonayo in uu Barcelona ku biiro waxayna caawa kooxdiisu ciyaartay kulankii ugu danbeeyay ee garoonkeeda iyada oo si cajiib ah loo macasalaameeyay Frenki de Jong.

Frenkie De Jong oo ay Barcelona bishii January lacag qaali ah kula heshiisay ayaa hadda u muuqda mid Camp Nou ku heli doona saaxiibkiisii ay isku dhawaayeen ee Matthijs de Ligt oo hadda qarka u saaran in uu Barca ku soo biiro.

Si kastaba ha ahaatee, waqtiyada soo socda ayaa la filaya in xog dheeraad ah laga heli doono heshiiska ay Barcelona ku doonayso in ay ku dhamaystirto saxiixa Matthijs de Ligt.