HESHIIS: PSG Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gaadhay Xiddiga Kooxdeeda Ee Neymar JR & Waxa Uu Ku Saabsan Yahay Oo La Ogaaday.

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa ah mid geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaysa sidii ay ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale kusii haysan lahayd garabka kooxdeeda ee Neymar JR oo wakhtigan bixitaan lala xidhiidhinayo.

Neymar ayaa aad loola xidhiidhinayaa ku laabashada kooxdiisii hore ee Barcelona sidoo kale waxa dhinacooda kala socda kooxo kale oo badan oo ay ugu horreeyaan Juventus iyo Real Madrid.

Iyadoo ay sidaas tahay ayay haatan Paris heshiis la gaadhay xiddigeeda sida laga soo xigtay wargeyska ‘Le Parisien’ heshiiskaas ayaana ah in isaga iyo shaqsiyaadka ku dhaw dhaw ay yareeyaan arrimaha isaga la xidhiidha ee saxaafada mara.

Paris Saint-Germain ayaa sida heshiiskan laga dhex arki karo khaati ka taagan wararka kala duwan ee ay saxaafada kubadda cagtu maalin kasta ka sheegayo 27 jirkan.

Heshiiskan ayaa imanaya xilli uusan wanaagsanayn xidhiidhka ka dhaxeeya Neymar iyo madaxda ugu sarreysa kooxda caasimada France sida agaasimaha ciyaaraha ee Leonardo iyo maaxweynaha kooxda ee Nasser El Khelaifi.

Dhinaca kale wargeyska ree Spain ee Sport ayaa warinaya in PSG ay doonayso inay heshiis kale la gasho Neymar iyadoo heshiiskaasi uu ku saabsan yahay in xiddigu uu ugu yaraan hal sano oo kale kooxda kusoo negaado.

Taas ayaa la micno ah in Paris ay doonayso in Neymar uu xilli ciyaareed kale ku qaato kooxda kaddibna uu go’aankiisa gaadho oo uu u wareego kooxda uu doonayo gudaha sanadka dambe ee 2020.