Heshiis Dhan!!: Real Madrid Oo Dhammaysay Inta Ugu Badan Heshiiska Xiddigii Ay Paul Pogba Kaga Maarmi Lahayd.

Advertisements

Kooxda ree Spain ee Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhawdahay saxeexa khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Donny Van De Beek walow sidoo kale lala xidhiidhinayay Paul Pogba.

Sida uu sheegay wargeyska Telegraaf, Inta ugu badan heshiiska Van de Beek ayaa la dhammeeyay waxaana ay u badan tahay in 55 Milyan lagu gabo gabayn doono xagaaga.

Haddiiba aysan wax aragti isbedel ahi ku dhicin madaxda sarre ee Real, Waxkasta ayaa la filayaa inay soo dhamaan doonaan bisha June.

Van De Beek ayaa udub dhaxaad u ahaa kooxdii Ajax ee wacdaraha dhigtay xilli ciyaareedkii hore sababtana u ahayd in Madrid ay ka hadho Champions League waxaana uu tan iyo wakhtigaas ahaa mid diirada u saaran.

Sidoo kale waxa uu ahaa mid saamayn weyn leh kulamadii afar dhammaadka ee ay Tottenham la ciyaareen isaga oo gool heer sarre ku dhaliyay Wembley Stadium inkastoo kooxdiisa ugu dambayn laga guuleystay.

Xiddigan heer caalami ee xulka Holland ayaa sidoo kale loo arkaa mid ku haboon hanaanka ciyaareed ee Los Blancos waxaana uu buuxin karaa booska Luka Modric oo u muuqda mid xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ku qaadanaya kooxdaas.

Advertisements

Ugu dambayn, Heshiiskan oo qabsooma ayaa albaabada ka xidhi doonta fursad kasta oo ay Real ku dooni lahayd Paul Pogba oo sida la sheegay iluu marka hore si gaar ah u doonayay tababare Zinadine Zidane.

Advertisements