HESHIIS DHAN: Barcelona & Inter Milan Oo Ugu Danbayn Heshiis Dhan Ka Gaadhay Saxiixa Lautaro Martinez.

Ciid mubarik, kulu caam wa antum bil khayr. Maalin wanaagsan ama waqti kasta oo aad joogtaan oo wanaagsan.

Kooxaha Barcelona iyo Inter Milan ayaa ugu danbayn heshiis dhan ka gaadhay saxiixa gool dhaliyaha reer Argentina ee Lautaro Martinez kaas oo ay kooxda Camp Nou ka dhisani daba socotay tan iyo xagaagii la soo dhaafay.

Idaacada caanka ah ee Cadena Copa ayaa si buuxda u xaqiijisay in kooxaha Barcelona iyo Inter Milan ay hadda heshiis dhan ka gaadheen saxiixa Lautaro Martinez.

Kooxaha Barcelona iyo Inter Milan ayaa muddo ku soo heshiin waayay saxiixa Lautaro Martinez laakiin hadda waxaa soo baxay war cusub oo shaaciyay in heshiiska labada kooxood ay meel isla dhigeen in Martinez uu xagaagan ku biiro Barca.

Halka arin ee ay Barcelona haddda ka shaqayn doonto ayaa ah in ay la xaajooto xidigaha kooxdeeda ee ay doonayso in ay qayb ka noqdaan heshiiska uu Lautaro Martinez kaga soo wareegayo Barcelona.

Inter Milan ayaa xiisaynaysa xidigaha kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic, Nelson Semedo, Samuel Umtiti iyo Arturo Vidal laakiin Barca ayaa marka hore xidigahan kala hadli doonta in ay qayb noqon karaan heshiiska ay Barca kula soo wareegayso Martinez.

Waxaa warkan lagu shaaciyay in Barcelona ayna bixin doonin lacagta heshiiska Lautaro Martinez lagu burburin karo waxayna taasi badalkeeda Barca iyo Inter doonayaan in ciyaartoy kale ay qayb ka noqdaan heshiiskan.

Lama oga qaabka ay kooxda Barcelona ay xidigaha kooxdeeda ugu qancin doonto in ay Inter Milan ku biiraan iyada oo mid ahaan ama laba ahaan ay Inter Milan qayb uga noqon karaan heshiiska Martinez uu Camp Nou ku imanayo.

Heshiiska Barcelona iyo Inter Milan ee Martinez waxaa barta twitterka ku xaqiijisay idaacada Cadena Copa oo inta badan wararka ay shaacisaa xaqiiq noqdaan waana arin farxad u ah Barca oo ciyaartoy aan kooxdeeda muhiim ka ahayn xidigan ku soo yaraynaysa lacagtii badnayd ee ay ka bixin lahayd.

Maamulka Barcelona waxaa muhiimad wayn suuqa xagaaga ee dhawaan furmi doona u ah saxiixyada Martinez oo ay hadda heshiis buuxa la gaadhay iyo Neymar Jr kaas oo ay dariiq adag u mari doonaan si ay Camp Nou ugu soo celiyaan.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook