Henrikh Mkhitaryan: “In Markale Aan Kawada Ciyaarno Pierre-Emerick Aubameyang Kooxda Reer London Ee Arsenal Waa Riyo Rumoowday”.

Xidiga kooxda Arsenal ee reer Armenia Henrikh Mkhitaryan ayaa wuxuu farxad weyn ka muujiyay kadib markii ay saaxiibkiis Pierre-Emerick Aubameyang ay markale midoobeen , kadib imaatinkiisa Emirates Stadium bishii lasoo dhaafay ee January.

Aubameyang iyo Mkhitaryan ayaa waxay isaga soo garab ciyaareen mudo dhan saddex sano kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund laga soo bilaabo 2013 ilaa iyo xili ciyaareedkii 2015-2016, waxayna si wada jir ah u soo dhaliyeen 62 gool ee ah kooxda Borussia, halka sidoo kale ay caawiyeen 44 gool kale dhamaan tartamada oo idil.

Henrikh Mkhitaryan iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa waxay kaga bilaawdeen waayahooda kooxda Arsenal si wanaagsan, kadib markii uu laacibka reer Armenia oo dhawaan kaga soo biiray Manchester United uu caawiyay 3 gool, halka xidiga reer Gabon uu isna dhaliyay gool kulankiisii ugu horeeyay ay 5-1 ku xasuuqeen kooxda Everton.

Hadaba Mkhitaryan oo muujinayay sida uu ugu faraxsan yahay in markale ay hal koox ku midoobaan Aubameyang ayaa wuxuu yidhi: “Ma uusan helin fursad ku filan uu nagala qeyb qaato tababarka kooxda kahor kulankii Everton”.

Xidiga reer Armenia oo hadalkiisa sii wada ayaa wuxuu intaas kusii daray: “Waxay ila noqotay riyo in aan markale ku midoownay hal koox ee aan ahayn Borussia Dortmund, balse aad baan ugu farxay ugu dambeyn inay sidaas dhacdo, si wanaagsan ayaan u garanayaa, sababtoo ah waa mid ka mid ah saaxiibada iigu dhowaa uguna fiicanaa ee aan lasoo shaqeeyay xirfadeyda kubada cagta”.

Mkhitaryan ayaa wuxuu hadalkiisa kuosoo xidhay: “Waxay ii tahay farxad inuu nagula sugnaado kooxda Arsenal, waxay sidoo kale ila tahay in dhamaan jamaahiirta ay sidaas oo kale ugu faraxsan yihiin in Guuners ay lasoo saxiixayo Aubameyang, runtii aad baan u jeclahay xili kasta inaan ka garab ciyaaro”.