Hawl-galka Barcelona Ee Raadinta Beddelka Suarez Oo Marba Meel U Jeedsanaya, Afarta Ciyaartoy Ee Ay Ku Fashilantay Iyo Afar Shiishku U Saaran Yahay

Advertisements

Barcelona ayaa ku hawlan raadinta weeraryahan u buuxiya boosaska ay ka dhaawacmeen Luis Surez iyo Ousmane Dembele oo gebi ahaanba ka maqnaanaya ciyaaraha ka hadhsan xili ciyaareedkan, waxaana jira dhawr  ciyaartoy oo ay bartilmaameed u ahaa oo hadda ay iskaga hadhay.

Advertisements

Weeraryahanka Athletic Bilbao ee Willian Jose ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee kooxda kubadda cagta Barcelona ay iskaga talo-baxday kaddib markii qiimaha lagu iibinayo uu cirka isku shareeray oo la gaadhsiiyey illaa 70 milyan oo Euro.

Saddex weeraryahan oo ka horreeyey oo kala ahaa Rodrigo Moreno, Chimy Avila iyo Cedric Bakambu ayaa dhamaantoodba ay Barcelona lumisay fursadihii ay ku heli karaysay, laakiin waxa jira afar ciyaartoy oo ugu dambayn noqday kuwa shiishka tbabare Quique Setien saaran yahay, waxaanay doorkan duullaan ku noqon doonaan kooxo aan ku koobnayn waddanka Spain.

Afarta ciyaartoy oo ay Barcelona raadkooda hayso, waxa ugu horreeya weeraryahanka Real Betis ee Loren Moron oo toban gool dhaliyey xili ciyaareedkan, laakiin qiimaha ay ku heli karayso kooxda reer Spain ayaa lagu sheegay 40  milyan oo Euro.

Xiddiga labaad ee ay Barcelona isha u hayso waxa uu yahay dhaliyaha kooxda Alaves ee Lucas Perez oo qiimihiisa lagu sheegay 15 milyan, hase yeeshee waxa uu tirada goolasha uu dhaliyey ka hooseeyaa laacibka hore ee Loren, waxaanu soo dhaliyey 9 gool 22 ciyaarood oo uu saftay, laakiin waxa uu khabiir ku yahay rikoodheyaasha.

Angel Rodriguez oo ay da’diisu tahay 32 sannadood ayaa la rumaysan yahay inuu yahay kan ugu fudud ee ay Barcelona heli karayso, waxaana qiimihiisa lagu sheegay 10 milyan, hase yeeshee 28 ciyaarood oo uu dheelay waxa uu awood u yeeshay inuu dhaliyo 13 gool, taasina waxay ka hoosaysaa heerka ciyaaryahan dhaliye ah oo ay Barcelona doonayso inuu noqdo hoggaamiyaha weerarka illaa inta uu kasoo laabanayo Suarez.

Laacibka ugu dambeeya ee kusoo hadhay diiradda Barcelona, waxa uu yahay weeraryahanka reer Colombia ee Real Zaragoza amaahda ugu ciyaaraya, mulkiyaddiisana ay iska leedahay kooxda reer England ee Watford.

23 jirkan, waxa lagu tilmaamaa ciyaartoy leh tayo sare iyo mustaqbal fiican, balse heerkiisa gool-dhalinta ayay dadka qaar saluug ka muujinayaan.

Advertisements