Harry Maguire Mise Virgil Van Dijk? Tammy Abraham Oo Shaaca Ka Qaaday Daafaca Ugu Adag Ee Uu Ilaa Haatan Premier League Ku Wajahay.

Weeraryahanka da’yarka ah ee kooxda Chelsea ee Tammy Abraham oo xilli ciyaareedkan la celin la’yahay ayaa shaaca ka qaaday daafaca ugu xoogan ee uu ilaa haatan ku wajahay horyaalka Premier League.

Abraham ayaa xilli ciyaareedkan tunka u ritay masuuliyada ah weeraryahanka doorka koowaad ee kooxdiisa Chelsea waxaana uu haatan halka ugu sarreysa ee tartanka gool dhalinta kula midaysan yahay Sergio Aguero oo ay min siddeed leeyihiin.

Da’yarkan oo dhawaan dhalasho rasmi ah u qaatay dalka England ayaa si fiican ugu soo baxay hab ciyaareedka tababare Frank Lampard oo inta badan fursad siinaya ciyaartoyda yar yar ee kooxdaas.

Haddaba, Iyadoo ay sidaas tahay qaab wanaagsana uu kusoo dhalaalay ayuu Tammy haatan shaaca ka qaaday in daafaca Liverpool ee Virgil Van Dijk uu yahay midka ugu xoogan ee uu wajahay.

Abraham ayaa xusay inuu isku dayay kulankii ay Liverpool wajaheen inuu siyaasadaha maskaxdiisa ku jira ku dhaafo Virgil balse khibradiisu ay tahay mid sarre oo uu ku xakameeyay.

Tammy ayaa yidhi “Isagu waa mid xoogan, Isagu wuu ku wanaagsan yahay waxa uu qabto, Waa mid khibrad leh, Waxaan isku dayaa inaan wax yar sameeyo, Waxaan isku dayaa inaan farsamooyinka maskaxdayda ku jira adeegsado laakiin fahamkiisa ciyaartu waa mid sarreeya”.

“Waa in la sameeyo waxyaabo yar yar, Dhaqaaq, Dhaqaaqayga xerada dhexdeeda, Daafacyada qaar aniga dareen ima siiyaan waxay kaliya diirada saaraan kubadda”.