Harry Kane Oo Ku Garaacay Xidigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo Rikoodh Gaar Ah Ee Champions League-ga, Kadib Kulankii Ay Xalay Booqdeen Juventus.

Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur iyo xulka qaranka England Harry Kane ayaa wuxuu xalay gaadhay guul taariikhi ah, kadib kulankii ay ku booqdeen kooxda Juventus lugta koowaad wareega 16-ka tartanka Champions League-ga.

Harry Kane ayaa wuxuu u dhaliyay Tottenham Hotspur goolka neefta kusoo celiyay kooxdiisa Spurs-ka, xili ay ciyaarta Juventus kaga hogaamineysay 2-0, kahor inta uusan Eriksen u keenin goolka barbaraha, Kooxaha Juventus iyo Tottenham ayaa kulan cajiib ah iskaga hor yimid Turino ayaa wuxuu kulankooda kusoo idlaaday barbaro 2-2.

Laakiin sheekada ugu xiisaha badan ee kulankan laga diiwaan galiyay ayaa ah in Harry Kane uu gaadhay goolkiisii 9-aad ee Champions League-ga, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee taariikhda tartankan dhaliyay goolal intaas gaarsiisan 9-kiisa kulan ugu horeeyay xirfadiisa kubada cagta ee Champions League-ga.

Harry Kane ayaa wuxuu rikoodhkan ku garaacay xidigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo marka loo fiiriyo 9 kooda kulan ugu horeeyay ay kasoo muuqdeen tartanka Champions League-ga.

Laacibka reer Argantina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa 9 kiisa kulan ugu horeeyay xirfadiisa kubada cagta ka dhaliyay Champions League-ga 2 gool oo kaliya, halka xidiga kooxda Real Madrid ee reer Portugal Cristiano Ronaldo uusan wax gool ah kasoo dhalinin 9 kiisii kulan ugu horeeyay Champions League-ga xirfadiisa kubada cgta.

 

1 Comment

Comments are closed.