Harry Kane Oo Aragti Daacadnimo Leh Ka Dhiibtay Haddii Ay Tahay In Koobka Premier League La Siiyo Liverpool – Miyuu Xaasiday Mise?

Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane ayaa fikradiisa ka dhiibtay xilli ciyaareedka horyaalka Premier League iyo haddii ay tahay in kooxda horyaalka hoggaanka u haysa ee Liverpool koobka la siiyo haddiiba xilli ciyaareedka la kansalo.

Reds ayaa doonaya koobkoodii ugu horreeyay ee Premier League ah iyo horyaalkoodii ugu horreeyay mudo 30 sano ah iyagoo kaliya laba guulood u baahan sagaal kulan oo ka hadhay xilli ciyaareedka Premier League.

Liverpool ayaa 25 dhibcood ka sarreysa kooxda kaalinta labaad ee Manchester City balse wali waxa ay sugayaan in kubadda cagta oo mudo laba bilood ah haatan u xaniban sababta caabuqa Korona ay soo laabato si ay waxkasta u xaqiiqsadaan.

Haddaba, Harry Kane oo aragtidiisa dhiibanaya ayaa sheegay in kooxda tababare Jurgen Klopp ay u qalanto inay horyaalka qaado balse waxa kaliya ee uu uga war warsan yahay ay tahay inay Anfield oo madhan koobka ku qaadi doonaan.

“Waan ku faraxsanahay inaan tababarka ku bilaabo qaab kooxo yar yar ah haddii naloo ogolaado oo aan isku dayo inaan kusoo noqdo waxoogaa caadinimadii ah sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan” Ayuu Kane u sheegay barnaamijka Good Morning Britain.

“Waxaan filayaa in ciyaartoy kastaa uu yahay mid ka kale ka duwan dhammaantoodna waxa ay leeyihiin fikradahooga gaarka ah”

“Dhab ahaantii waxa ay noqonaysaa xaalad adag (In bilaa jamaahiir lagu ciyaaro), Liverpool way u qalantaa horyaalka, inay koobka kor u qaadaan la’aanta jamaahiirtoodu dhab ahaan waxa ay noqon doontaa xaalad qariib ah”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook