DAGAALKII QARNIGA: Hanbadaydii Ayaad Dhulka Dhigtay Ee Ku Soo Biir Aduunkayga- Floyd Mayweather Oo Xaqiiq Ka Dhigay Dagaal Dhex Mara Khabib Nurmagomedov Iyo Lacagta Uu Balan Qaaday In Uu Ka Heli Doono.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa hanjabaad hawada isku marinayay labada nin ee aan abid soo guuldaraysan ee Khabib Nurmagomedov iyo Floyd Mayweather waxaana sheekada bilaabay feedhyahanka muslimka ah ee Khabib kadib markii uu si xun u bahdilay Conor McGregor wuxuuna markaas dalbaday in Myweather uu lacagta tuso uu kula dagaalamayo.

Floyd Mayweather ayaa markiiba ka jawaabay dalabkii Khabib wuxuuna hore ugu balan qaaday in uu diyaar u yahay dagaal dhex mara laakiin  Floyd Mayweather  ayaa ka cadhooday markii uu Khabib ku dooday in isagu uu dhulka dhigay  Conor McGregor kaas oo uu hore Floyd Mayweather uga guulaystay balse aanu awoodin uu dhulka ugu tuuro.

Haddii markii hore uu kaftan ku bilawday dagaalkii qarniga oo dhex mari kara Floyd Mayweather iyo Khabib Nurmagomedov waxay hadda noqotay mid xaqiiq isku badali karta kadib markii uu Mayweather bixiyay waraysi adag isla markaana uu balan ku qaaday in uu la dagaalamayo Khabib isla markaana ayna kaftan ka ahayn.

Floyd Mayweather ayaa geesiga muslimiinta ee Khabib Nurmagomedov u sheegay in dhulka dhigay hanbadii uu ka tagay isagu oo uu ula jeeday Conor McGregor oo uu hore u garaacay wuxuuna Mayweather balan ku qaaday in isaga ayna waxba dhulka ka oolin oo uu diyaar u yahay kulan dhex mara Khabib.

Floyd Mayweather ayaa soo ciyaaray 50 kulan wuxuuna si layaableh ku soo wada guulaystay dhamaan dagaaladii uu galay wuxuuna hore u doonayay in uu ka soo laabto halwgabkii uu ku dhawaaqay si uu kulan ku celis ah ula qaato Conor McGregor ama Manny Pacquiao.

Haddaba markii Floyd Mayweather wax laga waydiiyay haddii uu dhab ka ahaa hadalkii uu Khabib ugu jawaabay iyo in uu diyaar u yahay dagaal uu Khabib la galo ayuu ku jawaabay: “Oh xaqiiqdii , Oh waanu dagaalamaynaa. Aniga ayaa boos isku ah, sidaa daraadeed anigu ma sheegi karo waxa dhinaca Khabib ka socda, laakiin dhinacayga waxaanu ka dhigi karaa mid dhici karta”.

Laakiin  Floyd Mayweather ayaan doonayn in uu Khabib kula dagaalamo ciyaaraha ledginta, feedhka iyo laaga iskugu jira wuxuuna doonayaa in feedh kaliya lagu tartamo wuxuuna yidhi: “Isagu waxa uu iigu baaqay in aan soo baxo, waa in uu aduunyadayda yimaado”.

Intaa kadib  Floyd Mayweather ayaa tixraacay hadalkii Khabib ee ahaa in Myweather aanu dhulka ugu tuurin Mcgregor wuxuuna  Floyd Mayweather oo arintan ka jawaabayaa uu yidhi: “Waxaan waraysiga ku arkay isaga oo sheegaya in markii uu darbeeyay uu dhulka ugu tuuray Conor McGregor wuxuuna sheegay in anigu aanan dhulka ugu tuurin  Conor McGregor, Khabib. waxaad heshay hanbadaydii”.

Dhinaca kale Floyd Mayweather ayaa ka hadlay lacagta uu ka heli doono haddii ay kaga dhabeeyaan dagaalka Khabib wuxuuna yidhi: “Marka aan wajaho Khabib, dabcan waxaan heli doonaa 100 milyan dollar ka badan, haa way ka badan tahay dagaalkii McGregor, ugu dhawaan waxay damaanad qaadaysaa 100 milyan dollar, waxaan odhan karaa 110 milyan ilaa 200 milyan dollar oo hubaal ah”.

Khabib oo isna 27 dagaal dhamaantood soo guulaystay isla markaana aan waligii guuldaro soo arag ayay hadda u muuqataa in go’aan ka gaadhi doono dalabka Floyd Mayweather ee ah in feedh kaliya lagu dagaalamo taas oo awooda Khabib soo koobaysa maadaama oo uu waqti guulihiisa hore ugu soo gaadhay MMA ama UFC oo ah dagaal la ogol yahay laaga, ledginta iyo feedh iyo qaab kasta oo lagu guulaysan karo.

[irp posts=”123589" name=”Feedhyahanka Muslimka Ah Ee Khabib Nurmagomedov Oo Hal Arin Oo Layaableh Ka Sheekeeyay Ka Hor Dagaalkii Uu Ku Bahdilay Gaalkii Islaamka Aflagaadeeyay Iyo Arintan Oo Aanu Sheegeen Haddii Uu Guuldaraysto.”]