Hamigaygu Wuu Ka Wayn Yahay In Aan Ku Joogsado Wixii Aan Ku Soo Guulaystay-Lionel Messi Oo Soo Bandhigay Sida Uu Guulo Badan Oo Kale U Doonayo.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sheegay in aanu ahayn mid ku joogsanaya guulihii uu waayihiisa ciyaareed soo gaadhay ee iskugu jiray koobabkii iyo abaal marinihii badnaa wuxuuna doonayaa in uu sii joogteeyo isla markaana uu guulo hore leh gaadho.

Lionel Messi ayaa ka soo qayb galay xaflad xayasiin ah oo ay qabtay shirkada uu heshiiska kula jiro ee Adidas ee qalabka Sportska soo saarta wuxuuna ku dooday in uu naftiisa u tixgaliyo mid tartame ah oo doonaya in uu wax badan gaadho.

Lionel Messi oo hadafkiisa iyo hamigiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Hamigayga ugu wayni waa in aan sii koro isla markaana anan isku dhigan waxa aan soo qabtay ama aan soo gaadhay. Waxaan doonayaa in aan maalin kastaba ka sii fiicnaado oo aan ujeedooyin badan u tartamo isla markaana aan koobab badan ku guulaysto”.

Lionel Messi oo ka hadlaya sida uu isku arko ayaa yidhi: “Anigu waxaan naftayda u tixgaliyaa mid aad u tartan badan, waxaan jecelahay in aan wax walba ku guulaysto isla markaana gabi ahaanba ma jecli in aan guuldaraysto”.

Lionel Messi ayaa ka hadlay sida ay ciyaartiisu isku badashay maadaama oo uu hore u ahaa ciyaartyo diirada saari jiray gool dhalinta oo kaliya wuxuuna yidhi: “Waxaan naftayda u arkaa ciyartoy in badan ciyaarta maamula, oo in badan ka qayb gala kubbada  isla markaana ciyaarta socod siiya kadib waxaan naftayda u arkaa gool dhaliye”.

Waxa ugu wayn ee uu Lionel Messi xili ciyaareedkan doonayo ayaa ah in uu kooxdiisa Barcelona kula guulaysto koobka UEFA Champions league kaas oo uu balan qaad jamaahiirta kooxdiisa ugu sameeyay markii loo doortay kabtanka ee kulankii Camp Nou ugu horeeyay.