Halyeygii Kooxda Arsenal Ee Patrick Vieira Oo Loo Magacaabay Tababaraha Kooxda Nice

Halyeygii hore ee kooxda kubadda cagta Arsenal ee Patrick Vieira ayaa noqday tababaraha naadiga Nice ee ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee Ligue 1.

Vieira oo wakhtigii uu kubadda ciyaari jiray ku qaatay naadiyada Manchester City, Inter Milan iyo Juventus ayaa dhowaan iska casilay shaqadii tababarenimo ee kooxda New York City, waxaanu heshiis qalinka ugu duugay Nice oo uu noqon doono tababaraha hoggaamin doono xili ciyaareedka soo socda.

Halyeygan xulka qaranka Faransiiska ka caawiyey inay hantaan Koobkii Adduunka 1998 iyo Euro 2000, ayaa waxa uu sheegay inay ku adkayd inuu iska casilo shaqadii New York City.

“Ka tegista New York waxay ahayd go’aan ku adkaa aniga iyo qoyskaygaba.” ayuu yidhi Vieira.

Nice oo xili ciyaareedkii tegay gashay kaalinta siddeedaad ayaa uu la wareegayaa Patrick isagoo beddelaya Lucien Favre oo bishii May loo magacaabay tababaraha kooxda Borussia Dortmund.

Vieira ayaa waxa gacanyareyaal u noqon doona Christian Lattanzio, Kristian Wilson iyo Matt Cook, kuwaas oo ay ka wada shaqayn jireen New York.