Halyeyga Kooxda Real Madrid Ee Michel Solgado Oo Dabka Ku Shiday Wararka Saaxiibkiisii Hore Ee Guti La Xidhiidhinaya Shaqada Tababarenimo Ee Los Blancos Xili Uu La Bar Bardhigay Zinadine Zidane.

Halyeygii hore ee kooxda Real Madrid ee Michel Solgado ayaa dabka kusii shiday wararka xiddigii hore ay kooxdaasi uga wada tirsanaayeen ee Guti la xidhiidhinaya inuu qabto shaqada tababarenimo ee kooxda, Guti oo haatan tababare u ah da’yarta Los Blancos ayaa si ba’an loola xidhiidhinayaa shaqada tababarenimo ee kooxda waawayn tan iyo bixitankii Zinadine Zidane.

Guti iyo Zidane ayaa ugu horayn ka siman sheekada ah in labadooduba ay tababarayaal kasoo noqdeen kooxda da’yarka ee Real Madrid iyadoo Zizou uu fursad u helay in loo dalacsiiyo tababarida kooxda waaweyn kaddib bixitaankii Carlo Ancellotti ee sanadkii 2016, Laakiin Guti ayaan u muuqan mid fursadaas helaya maadaama oo maamulka sarre ee kooxdu ay baadigoob ugu jiraan tababareyaal horay usoo maamulay kooxo waawayn.

Solgado ayaa is bar bardhigiisa ku bilaabay sida ay saxaafada iyo shaqsiyaad badani shaki u galinayeen awooda tababarenimo ee Zidane markii uu yimid kooxda iyo sidii loogu sheegayay mid khibrad yari ay hayso waxaana uu xaaladii wakhtigaas jirtay la bar badhigay mida Guti ay haatan saxaafadu uga hadlayaan.

Haddaba Michel Solgado oo u waramayay wargeyska EFE ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waa su’aashii uu qofkasta waydiinayay Zidane markii uu yimid kursiga kaydka, Markii la magacaabay inta ugu badan ee saxaafadu uma aysan tixgalin dookha ugu haboon waxaana ay yidhaahdeen malahan khibrad, Laakiin waa waxaan macquul ahayn inaad khibrad heshaa haddii aanad cidna tababarin”

“Sidaa darteed maxaa diidaya? Waa xaalado isku mid ah, Guti waxa uu tababarayay qaybta hoose ee Real Madrid labad sano halka Zidane uu ka tababarayay sanad kaliya, Maxay tahay sababta uusan wax fiican ugu qaban karin Real Madrid”

Dhinaca Kale Solgado oo ay wakhti ku siman afar sano kasoo wada ciyaareen Madrid ayaa is bar bardhig ku sameeyay Zidane markii uu ciyartoyga ahaa iyo haatan oo uu tababare yahay isaga oo sheegay in go’aankii uu kaga baxay kooxda laba cisho kaddib hanashadii Champions League ay lamid tahay qaabkii uu kooxda kaga tagay markii uu ciyaartoyga ahaa waxaana uu yidhi “Si fiican ayaan u aqaana Zidane waan lasoo shaqeeyay waanan kusoo raaxaystay shaqadasii mudo afar sano ah, Si lamid ah ayaa dhacday markii uu hawl gabay waxaan isku daynay inaan ku qancino inuusan bixin maxaa yeelay waxaan ku raaxaysanaynay la ciyaaristiisa waxaanan u malaynaynay inaysan ahayn wakhtigii ku haboonaa”

“Si kastaba waxa uu dareemay inuusan u ciyaari karin sidii uu filayay, Marka uu go’aan qaatan waa wax aan macquul ahayn in maskaxdiisa la badalo”