Halyeyga Kooxda Real Madrid Ee Michel Salgado Oo Ka Hadlay Bixitaanka Cristiano Ronaldo Iyo Haddii Uu Florentino Perez Lasoo Saxiixan Doono Neymar JR.

Daafac dambeedkii hore ee kooxda Real Madrid ee  Michel Salgado ayaa ka hadlay fikradiisa ku aadan heshiiska uu Cristiano Ronaldo ugu biirayo kooxda Juventus oo u muuqda mid aad u dhaw iyo haddi badalkiisa uu Florentino Perez lasoo saxiixan doono garabka Paris Saint-Germain ee Neymar.

Paris Saint-Germain waxa la filayaa inaysan marnaba dhayal ku fasixin xiddigeeda Neymar kaas oo ay xilli suuqii hore uun kala soo wareegtay dhigeeda Barcelona aduun dhan 222 Milyan oo rekoodh u noqotay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Salgado oo aqoon fiican u leh madaxweynaha kooxdiisii hore ee Perez ayaa sheegay in Mr Perez uu ku dhaqaaqo fikrad kasta oo maskaxdiisa kusoo dhacda taas taas oo uu uga jeedo in haddii uu Neymar u baahdo uu dalban doono waxa uu yidhi isagoo arrintaasi ka hadlaya “Haddii Florentino uu maskaxdiisa ku hayso wax, Waa uu qabtaa”

Sidoo kale Salgado waxa uu ka hadlay heshiiska aadka la iskula dhex marayay maalmihii u dambeeyay ee ah in Cristiano Ronaldo oo ah hoggaamiyaha Real Madrid uu aadi doono kooxda ree Talyaani ee Juventus isagoo sheegay in haddii uu joogo ay wakhti fiican wada qaadan doonaan haddii uu baxana ay u mahad celin doonaan.

Solgado oo ka hadlaya arrimaha bixitaanka Ronaldo ayaa yidhi “Ronaldo waa ciyaartoy kaas oo wakhtiga ku qeexay Real Madrid isla markaana wali sii qeexaya, Si fiican ayaan u garanayaa isaga waan ogahay in marka uu go’aan gaadho uu sameeyo sidaa darteed waan la soconaa dhammaan caqabadaha”

“Haddii uusan tagin waxaan wali haysan doonaa isaga wakhtigiisii ugu fiicnaa, Waa cimlaaq waa mid heer sarre ah, Kaddib haddii uu tago waxaan uga mahad celin doonaa waxa uu nasiiyay, In lacagtii lagu burburin karayay heshiiskiisa hoos loo dhigay way i murug galisaa aniga”