Halyeyga Kooxda Juventus Ee Gianluigi Buffon Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Wararka Cristiano Ronaldo La Xidhiidhinaya Juventus & Sida Uu U Arko Haddii CR7 Uu Ku Biiro Kooxdiisii Hore.

Goolhayaha halyeeyga ah ee kooxda Juventus haatana u wareegay dhinaca kooxda Paris Saint-Germain ee Gianluigi Buffon ayaa markii ugu horaysay ka hadlay wararka sida aadka ah xiddiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ula xidhiidhinaya kooxdiisii hore.

Buffon oo 40 jir ah isla markaana mudo dheer goolka usoo waardiyaynayay Bianconneri ayaa dhawaan qaab lacag la’aan ah ugu biiray kooxda Ree France ee Paris isaga oo diiday inuu siibo kabahiisa kubadda cagta isla markaana doonaya inuu maruun rumeeyo riyadiisii ahayd inuu hanto tartanka ugu weyn kubadda cagta kooxaha ee UEFA Champions League.

Buffon ayaa ugu horaynba sheegay in ku biirida Cristiano ee Juventus aysan wax layaab ah ku noqon doonin sida ay shaqsiyaad badani hore u sheegeen isagoo ku tilmaamay inay Juve u baahantahay hoggaan cusub oo lagu daydo waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Lama yaabi doono inaan Ronaldo ku arko Juventus, Waxay iga dhigi doontaa mid faraxsan maxaa yeelay waa waxay u baahantahay dunida Juventus waa inay raadiyaan ciyartoy cusub oo ay ku daydaan isla markaana ay hagaan”

Dhinaca kale halyeey Buffon ayaa wax laga waydiiyay haddii imaatinka Ronaldo iyo bixitaankiisa oo isku xili ciyaareed noqdaa ay isaga nasiib daro ku tahay balse waxa uu sheegay in isaga waxa dhiba ay tahay goolashii uu xiddigu ka dhalinayay sanadihii u dambeeyay laakiin haddiiba uu haatan tago horyaalka Talyaaniga uu xaysiis iyo hormood fiican u noqon doono.

40 jirkan ayaana yidhi “Ima dhibto, Waxa i dhiba waa labadii gool ee uu igaga dhaliyay Final-ka, iyo Kuwii uu dhaliyay sanadkii hore, Waxa uu xaysiis fiican u noqon karaa kubadda cagta Talyaaniga”

Ugu dambayn, Cristiano Ronaldo ayaa u muuqda mid lakala jiidanayo iyadoo inta badan halyeeyada iyo xiddigaha haatan ee kooxda Juventus ay kusoo dhawaynayaan imaatinka Bianconneri halka shaqsiyaadka ku dhaw dhaw Real Madrid ay samaynayaan waxkasta oo u saamaxaya inay kusii hayaan qalcada Estadio Santiago Bernabeu.