Halyeyga Kooxda Juventus Ee Alessandro Del Piero Oo Aaminsan In Imaatinka Cristiano Ronaldo Ee Kooxdiisii Hore Ay Kor U Qaadi Doonto Rajada Ay Ka Qabeen Ku Guulaysiga UEFA Champions League.

Halyeeygii hore ee kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay heshiiska uu Cristiano Ronaldo ugusoo biiray kooxdiisii hore isaga oo sheegay in imaatinka 33 jirkani ay Juve kor u qaadin doonto rajada ay kooxdu ka qabtay hanashada UEFA Champions League.

Juventus waxa ay toddobadii sano ee u dambeeyay si isdaba jooh ah usoo hananaysay horyaalka Seria A ee dalka Talyaaniga balse waxa ay dhibaato hor lehi ka haysatay hanashada tartanka qaarada Yurub ee UEFA Champions League walow ay inta badan meel fiican kasoo gaadhaysay tartankan iyagoo saddex sano gudaheed laba jeer Final ku yimid balse guuldaraystay, Heshiiska ay Bianconneri kulasoo saxeexatay 33 Jirkan ayaana loo arkaa inuu yahay mid ay ku doonayso inay kor u qaado fursada ay ku hanan karto tartankaas.

Del Piero ayaa ayaa sheegay in Juve ay doonayso inay hanato UEFA Champions League isla markaana loo tixgaliyo sida kooxaha ugu waawayn ee dunida isaga oo sidoo kale aad u amaanay Ronaldo kuna sheegay mid baahi u qaba inuu markasta noqdo midka ugu fiican waxaana uu halyeey Del Piero hadalkiisa ku bilaabay “Juventus waxay doonaysaa inay ku guulaysato UEFA Champions League, Laakiin maaha kaliya midaas laakiin sidoo kale in loo aqoonsado sida heerka kooxaha ugu waawayn dunida”

Dhinaca kale Del Piero waxa uu sheegay in kubadda Talyaanigu ay hoos u dhacday ku dhawaad 12 sano isagoo aamisan in imaatinka Ronaldo uu isbadal ku samayn karo qaabkii hore ee horyaalka”Ilaa sanadkii 2006 waxaynu la rafaadnay kubadda cagta Talyaaniga, Sidaa darteed kasoo bixitaanka Ronaldo ee halkan waxay samaynaysaa kala duwanaansho marka loo eego dhinacyada muuqaalka ee Serie A iyo calcio, Waa ciyaartoy gool ka dhalin kara dhinac kasta waxaana uu leeyahay farsamo weyn, Baahida uu qabo, Habka uu u doonayo inuu noqdo midka ugu fiican waa waxa isaga hore u dhaqaajiya tayadiisa aan shakigu ku jirin”

Si kastaba ha ahaatee, Cristiano Ronaldo oo hore ugasoo ciyaaray horyaalada Premier League iyo La Liga ayaa la filayaa inuu markan magaciisa ku qoro horyaalka Serai A isla markaana uu dib usoo nooleeyo magacii iyo sumcadii horyaalkaasi uu lahaan jiray.