Thierry Henry Oo U Rajeeyay Mohamed Salah In Harry Kane Uu Ku Garaaco Loolanka Loogu Jiro Xili Ciyaareedkan Gooldhalinta Horyaalka Premier League-ga.

Halyaygii hore kooxda Arsenal iyo xulka qaranka france Thierry Henry ayaa wuxuu amaanay xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah, kadib bandhigiisa wanaagsan uu ka sameeyay xili ciyaareedkan tartamada kala duwan.

Thierry Henry ayaa wuxuu xaqiijiyay sida uu u jeclaan lahaa Mohamed Salah in xili ciyaareedkan dhamaadkiisa uu ku guuleysto loolanka loogu jiro gool dhalinta horyaalka Premier League-ga, laakiin isla mar ahaantaana wuxuu qiray inay adag tahay in xidiga reer Egypt ay ku adag tahay in abaal marintan uu kula dagaalamo laacibka kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane.

Dhaliyihii hore kooxda Arsenal ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan rajeenayaa in Mohamed Salah uu ku guuleysan doono kabta dahabka xili ciyaareedkan, sababtoo ah waxay noqon lahayd sheeko aad u qurux badan, waa wax aad u adag in la arko xidig bixinaya heerkan  xilli ciyaareedkiisii ugu horeysa koox ka ciyaarta horyaalka dalka England”.

Thierry Henry  ayaa dhinaca kale sheegay: “Waan ogahay in qaar ka mid ah dadka ay dhihi doonaan ma ahan xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay, sababtoo ah waxa uu horay ugu soo ciyaaray Chelsea, lakiin aan u qaadano in xili ciyaareedkan uu yahay kiisii ugu horeeyay ee horyaalka Premier League-ga, sababtoo ah wuxuu kooxdiisa cusub ugu ciyaarayaa si joogta ah isbuuc kasta”

Laacibkii hore xulka qaranka France ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusoo xidhay: “Aad baan u jeclahay qaab ciyaareedka Mohamed Salah, sababtoo ah wax badan ayuu kusoo kor dhiyay kooxda Liverpool, laakiin sidoo kale in Harry Kane uu ku guuleysto kabta dahabka ayaa noqon doonta sheeko kaloo aad u xiiso badan, sababtoo ah waxay u noqon doontaa markii saddexaad xidhiidh ah uu sidaas sameyn doono”.