Halyeyga Kooxda Arsenal Ee Martin Keown Oo Rumeeysan In Dabaal Dagii Shalay Ee Aaron Ramsey Uu Ahaa Fariin Ku Socotay  Unai Emery Iyo Xaalada Xidiga Reer Wales Oo Aan Wali La Xalin .

Kubad abuuraha qaranka Wales  Isla markaana ah xidiga Mustaqbalkiisa Arsenal  shakiga weyn uu ku jiro ee Ramsey ayaa lagu soo bilaabay kursiga keydka kulankii ay Arsenal Ay guusha raaxada leh ka gaartay Kooxda reer London ee Fulham.

Aaron Ramsey  aya  si lahubo isku tusay Macalin Unai Emery  kadib markii ay waqti yar ay ku qaadatay in uun gool dhaliyo kulankii ay Arsenal 5 -1 uga adkaatay Kooxda Fulham Kulankii ka dhacay  Craven Cottage.

Image result for ramsey

Qanaaska qaranka Wales  ayaa ceebeystay gool hayaha kooxda Fulham Marcus Bettinelli  waxaana uu qabsaday garoonka markii uu durbaba gool ciribta ku dhaliyay isla daqiiqadii uu soo galay kadib caawinaad uu ka helay Pierre-Emerick Aubameyang  balse dabaal dagiisii ayaa noqday wax laga ahadlo madama uu mujiyay wax u muqaal Eg waxa uu ku fikiray  Halyeyga Arsenal ee Keown.

Xidiga ayaa xor noqon doona  Xagaaga dambe waxana la fahansan yahay in labada koxood ee ugu guulahaaha badan Eglan ee Liverpool iyo Manchester United  uu si bilaash ugu biiiri doono hadana dabaal dagisii shalay ayaa fasiraad kale yeeshay .

“Aaron Ramsey waxa uu dirayaa fariiin cad marka ad u fiirsato dabaal dagiiisa nucaan ah kadib marka uu ku dhaliyaya Craven Cottage gool qurux badan ,’ Keown ayaa sidaas u sheegay  Sportsmail .’

Isagoo Hadalkiisa sii wata ayyuu sii raaciyay  “Macalimiinta cusub waxa ay u baahan yihiin xidigo sida  lamid ah Ramsey kuwaas oo fahmi kara ham dhaqanka kooxda ,

Image result for ramsey 2010

Si kastaba ha ahatee Arsenal aayan wali go’aan ka ka gaarin xaalada Ramsey waxana la fahan sanyahy in xidigan uu dalbanayo Mushaaraad badan si uu kooxda u sii joogo.