Halyeeyga Manchester United Ee Gary Neville Oo Si Adag U Weeraray Paul Pogba, Kadib Markii Shaki Xoogan La Galiyay Mustaqbalkiisa Garoonk Old Trafford.

Halyeeyga kooxda Manchester United ahna Khabiirka Sky Sports ee Gary Neville ayaa fariin adag u diray xidiga reer France ee Paul Pogba, kaasoo xiliyadii lasoo dhaafay ahaa hadal heynta ugu badan ee Red Devils, sababa la xidhiidha hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaadkiisa iyo inuu doonayo ka dhaqaaqista garoonka Old Trafford suuqa furmi doono bisha January.

Gary Neville ayaa ka codsaday xidiga reer France ee Paul Pogba inuu ixtiraamo kooxdiisa, isla markaana uusan foowdo ka abuurin gudaha Red Devils, sababa la xidhiidha in kaliya uu doonayo ka tagista kooxda garoonka Old Trafford, si uu ugu biiro koox kale, wuxuuna sidoo kale kula taliyay in ujeedooyinkiisa aysan noqonin kuwo ku saleysan dhaqaale oo kaliya.

Hadaba halyeeyga kooxda Manchester United Gary Neville ayaa wareysi uu dhawaan ku bixiyay wargeyska “The Times” wuxuu ku yidhi: “Waxaan runtii u maleynayaa inaysan jirin wax ka weyn kooxda, mana xiiseynayo shaqsiyaadka  kale ee xambaarsan aragti kale”.

“Taladeeda shaqsiyadeed aan u dirayo Paul Pogba, way iska cadahay inaad dooneyso inaad u ciyaarto koox kale, laakiin waa inaad u dhaqantaa sidii qof xirfadle oo kale ah, si aadan ugu muuqan calooshiis u shaqeyste oo kale”.

Inta badan saxaafada gaar ahaan kuwa dalka England ayaa waxay xaqiijinayaan in Pogba uusan ku faraxsaneyn kooxda Manchester United, kadib markii uu khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay isaga iyo macalinka kooxda Jose Mourinho, inkastoo uu xaqiijiyay inuu doonayo in uu ku sii sugnaado Old Trafford, isagoo beeniyay dhamaan hadalada la xidhiidha mustaqbalkiisa.