Halyeeyga Liverpool Ee Jamie Carragher Oo Kooxdiisii Hore Liverpool Utilmaamay Laba Xidig Ay Lagama Maarmaan Tahay In Ay Lasoo Wareegto .

Halyeeyga Liverpool Ee Jamie Carragher  Oo Kooxdiisii Hore Liverpool Utilmaamay Laba Xidig Ay Lagama Maarmaan tahay In Ay Tahay  In Ay Lasoo Wareegto .

Kooxda kubada Cagta Liverpool ayaa sanadkan u muuqata mid bixineeysa qaab ciyaared cajiib ah madama aya  hogaaanka dhanka dhibcaha kala mideeysan yihin difaacayaasaha horyaaala Eglan ee Manchester City  waxana loo arkaa in ay tahay tartamaha ugu xoogan ee sanadka ciyaaaraha Eplka .

 

Halyeeyga kooxda kubada cagta Jamie Carragher  ayaa farta ku fiiqay xidigaha aya Liverpool u baahanatahy si ay ugu guuleysato tartamada ay kooxda ka qeeyb galeeyso kaba sii darane xidigaha ayaa ah kuwa hal koox u ciyaara lana fahmi karo in ay adagtahay soo qaadashadooda .

 

Halyeyga kooxda kubada cagta ee Liverpool Jamie Carragher  ayaa wax badan kala socda xaalada kooxdiisii hore  iyo sameeynta ay leeyihin guud ahaa xidigaha ka ciyaara horyaalka Eglan madama uu waqtigiisa oo dhan uu ku bixiyay nolosha ciyaaraha ingiriiska.

Carragher oo saxaafada la hadalayay ayaa yiri “  waxa ay u baahan yihin in ay ahaadaan kuwa suuqa ka hela  Kevin De Bruyne ama David Silva oo kale , waxa ay xidigaahaasi leeyhiin tayo cajiib ah”.

 

Macalinka kooxda Reds ee Jurgen Klopp ayaa kol hore ka baraan dagay qaabeynta qadkiisa dhexe ee kooxda kadib markii uu kooxda kusoo kor dhiyay  Fabinho  oo uu ka keenay Monaco  iyo  Naby Keita oo kazoo hayaamay kooxda  RB Leipzig waxaana ya kooxda u muuqataa in ay si aad ah isku qalabeeysay maraca laga cabirqaato lacagaha suuqa lagu bixiyay.

 

Yeelkeede , wali waxaa laga dareemayaa qadka dhexe ee Liverpool kala daad sanaan  wallow ay ciladuhu ku yaryihin waxase wali ay kooxda ku ciyaarta  Anfield aya ka kabsan la dahay bixitankii qanaaska qaranka Brazil ee  Philippe Coutinho kaas oo u dhaqaaqa jihada  Barcelona iyo  madaalihii reer jarmal ee  Emre Can kaasoo isna hada ka mid ah kooxda Juventus.