Halyeeyga Liverpool Ee Fowler Oo Mohamed Salah U Sheegay Inuu DANAYSTE Buuxa Noqdo Oo Uu Sii Wado Laagista Kubadda Kaddib Baaskii Uu Ka Xaasiday Sadio Mane & Sharaxaad Uu Bixiyay.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Robbie Fowler ayaa talo lama filaan ah usoo jeediyay garabka kooxdiisii hore ee Mohamed Salah isagoo u sheegay inuu sii ahaado danayste aan baas badan dhigin walow uu dhawaan uun dhacdo xoogan ku abuuray baas la’aantaas.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay Liverpool ciyaarto oo ay booqatay Burnley ayay ka dhacday dhacdo hadal badan dhalisay kaddib markii Sadio Mane bedel lagu sameeyay isaga oo fursad furan baas kaga heli waayay Mohamed Salah taas oo cadho weyn ku sababtay Mane.

Image result for Robbie fowler

Fowler ayaa ugu horreynba sheegay inuu la yaabay dadka muran ku tilmaamay dhacdadii ka dhacday Turf Moor waxaana uu sheegay inaysan wax layaab leh ahayn oo gool dhaliyuhu uu tababar ku sameeyo sidii uu meelkasta kubadda uga laagi lahaa.

Dhinaca kale Robbie waxa uu xiddiga ree Masar u sheegay inuu sii wado danaysiga oo uu markasta kubadda laago maadaama oo uu aaminsan yahay inay sidaasi ka dhigayso gool dhaliye sidan ka wanaagsan.

Fowler ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Daacadii anigu marnaba maan maqal wax sidan u maalayacni ah maadaama shaqaalaha arrinkan ku wareegsani ay ku sheegeen muran u dhaxeeya Sadio Mane iyo Mohamed Salah”.

“Taasi waa waxa ay gool dhaliyayashu sameeyaan, Way ku tababartaan, Toddobaadkooda oo dhan ee xerada tababarka  waxay ku bixiyaan ku cel-celin, Sawirasho iyo inay ka shaqeeyaan sida ay gool uga dhalin lahaayeen boos kasta, Kuwa ugu fiicanina markasta waxay dareemaan inay dhalin karaan”.

“Haa, Salah wuu noqon karaa danayste marka uu goolka arko, Laakiin aniga ahaan taasi waxay iila muuqataa inay isaga ka dhigayso gool dhaliye weyn”.