Halyeeyga Kooxda Arsenal Ee Paul Merson Oo Qalbi Jab Ku Riday Jamaahiirta Kooxdiisa Ee Ku Faraxsan Guulaha Xilli Ciyaareedkan & Saadaal Xun Oo Uu Bixiyay.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson oo hore caan ugu ahaa saadaalinta kulamada toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League ayaa markan saadaal aan farxad gelinayn jamaahiirta kooxdiisii hore sameeyay.

Arsenal ayaa qaab gaabis ah ku bilaabatay horyaalka kaddib guuldarooyin ay kala kulmeen Manchester City iyo Chelsea balse waxa ay midaas dhinaca kale u rogeen kulamadii xigay iyaga oo haatan guulo soo gaadhay sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Haddaba, Marka laga yimaado hanaanka wacan ee ay kulamadii ugu dambeeyay garoomada kusoo bandhigayeen iyo goolasha badan ee ay ka dhalinayeen kooxaha kasoo horjeeda Paul Merson ayaa qaba in dhawaan Gunners ay u dhibtoon doonto xaalad daafac xumo.

Merson oo saadaalinaya dhibaatada kooxdiisii hore ku qabsan karta daafaca ayaa yidhi Ha dhawaato ama ha fogaatee waxa ay ku dhammaysan doonaan iyaga oo goolal badan laga dhaliyay, Daafac ahaan waa kuwo aan joogin”

“Hal shay ee iyaga ka saara dhibaatada ayaa ah inay markasta goolal dhalinayaan laakiin daafac ahaan maaha kuwo fiican in ku filan”

Arsenal ayaa u muuqata mid dib u helaysa maalmaheedii wacnaa ee ka lumay waxaana ay haatan kaliya laba dhibcood ka dambeeyaan kooxaha halka ugu sarreysa ka jooga miiska kala sarreynta Premier League ee Liverpool, Manchester City iyo Chelsea.