Halyeeyga Kooxda AC Milan Ee Rikardo Kaka Oo Kusoo Laabtay Rossaneri Xilli Uu La Shaqayn Doona Halyeey Paolo Maldini & Tababare Gennaro Gattuso

Tababare Gennaro Gattuso oo ah macallinka kooxda AC Milan  iyo halyeeyga kooxda ee Paolo Maldini sidoo kale madaxa kooxda ee Leonardo ayaa dhammaantood ka shaqeeya kooxda Milan. waxaana ay kooxda dib ugu soo dhaweeyeen Ricardo Kaka,

Laacibkii hore Milan ee Ricardo Kaka ayaa isna dhankiisa kasoo galay ole’olaha lagu badbaadinayo kooxdan ma dunida ka talin jirtay ee Roseneri oo hadda u muuqata mid sii dabar go’eysa.

Naadiga ka dhisan gobolka Lambardia ee dalka Taliyaaniga ayaa ku jirta xilli aad u qarriban, iyadoo ay wiiqantay awooddii ay ku lahayd gudaha Serie A iyo inta kale ee qaaradda Europe.

 

Kubbad qaabeeyihii hore ee reer Brazil ayaa soo gaaray magaalada Milan, isagoo sheegay inuu aad ugu farxo mar walba oo uu gaaro halkaas xilli uu werriyaasha la hadlayay.

Kaka ayaa sidoo kale qeexay inay wada hadleen Leonardo oo ay saaxiibbo yihiin, balse aysan weli go’aansan doorka uu ka ciyaari doono dib u dhiska kooxda Milan.

Waxaa la filayaa inuu noqon doono safiir usoo indha-indheeya xiddigaha ka ciyaara koonfurta America, maadaama 36 jirkan uu caddeeyay inuu si aad ah uga fikirayo la noolaashaha iyo la joogista qoyskiisa.